Toban qodob oo ay dumarku ku nacaan ragga

1. Dareenada Kalgacal Ee La Wadaago:
Dumarku sida qaalibka ah waxay doorbidaan inay si waji furan ula hadlaan bulshada ay ku dhex nool yihiin, waxaanay si sahlan u samaystaan asxaab ay la wadaagaan dareenka waxa ay ka hadlayaan iyo xidhiidhadooda , laakiin raggu aad ayay ugaga duwan yihiin dumarka arrintaa mana jecla in ay u soo bandhigaan dumarka dareenkooda, taas oo dumarka qaar ay ku adkaato in ay jawaab u helaan ama ay fahmaan sababta aarintan keentay.
2. Xidhiidhada:
Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu ka hadli waayaan in ay cabiraan dareenkooda ku saabsan xidhiidhada ay la yihiin dumarka, maxaa yeelay haweenku waxay jecel yihiin in ay kala ogaadaan dib u dhaca iyo horomarka ku yimaada xidhiidhada ay la wadaagaan ragga, dhinaca kale raggu waxay doorbidaan oo ay iska ilaaliyaan in ay dumarka kala hadlaan xogaha ku saabsan xidhiidhada ka dhexeeya.
3. Xaqiraada
Dumarku waxay aad u karahsadaan ragga iska indho tira haweenka ee aan siinin wax wax taxadar ah, waxaanay si gaar ah dumarku u jecel yihiin ragga ahmiyada sida gaarka ah u siiya ee u hura wakhtigooda kana sheekeeya sida ay u arkaan xiodhiidhada jacayl ee ka dhaxeeya lamaanaha. La qaata wakhti ay u waramaan dareenka gaarka ah.
4. Amaanta
Dumarku waxay aad u neceb yihiin in ay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo amaanay gabadh kale oo aan iyada ahayn
5. Beenta
Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu been u sheegaan sababtoo ah ragga intiisa badani waxay aaminsan yihiin in dumarka been loo sheego si ay u soo xero galiyaan oo ay u hantiyaan qalbiyadooda.
6. Nadaafad darada
Dumarku waxay aad u karahsadaan ninka nadaafada xun, waxaanay jecel yihiin in ay indhahoodu arkaan nin labisan oo ay nadaafadiisu fiican tahay jidh ahaan  iyo labis ahaanba.
7. Xidhiidhada Hore
Ma jecla dumarku inay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo ka sheekaynaya tirada dumarka uu la soo qaatay xidhiidhadho hore iyo noocyada dabeecadahoodaba.
8. Hadafyada Qorshayaasha Mustaqbalka
Haweenku waxay jecel yihiin  ninka samaysta ama qorsheeya jaangoynta nolosha mustaqbalkiisa had iyo jeerna kala tashada sida ay noqonayso noloshiisa mustaqbalku.
9. Kaantaroolida
Dumarku waxay ka diiqadoodaan ninka adadag ee had jeer isku daya in uu cabudhiyo ama kaantaroola ee jecel in wax waliba ay u dhacaan sida uu doonayo. Dumarku waxay jecel yihiin in ay noqdaan hogaamiye jecel kasbashada dhagaha ninka.
10- Kalsooni Darada
Dumarku ma jecla ninka had jeer isku daya in uu ilaaliyo ee isku mashquuliya in uu ogaado talaabo kasta oo ay qaadayso, iskuna taxalujiya in uu ogaado cid kasta oo ay la hadlayso, taas oo ay dumarku u arkaan kalsooni daro ninka la soo gudboonaatay.
Cabdiqaadir  Maxamed  Ciid [Baay]
Source: hadhwanaag.com
Adiguna qodobadee aayd ku soo dari lahayd?

7 Comments

  1. Anonymous12/08/2010

    waxaad ka tagteen wax u muhim ah waa gogosha in lagu qanciyo naag haddii cunto aad siiso iyo wax kasta ay u baahantahay laakid aad si fiican ugu galmoon waysid way ku nacaysaa

    ReplyDelete
  2. Anonymous12/19/2010

    dumarka sidoodaba ma dhib yara waxayna kooban yihiin inta cadaabta rabi samaystay oo kale waxana ku jirto dhorw loogu magacdaray janatul Fardoowso. sida qaalibka ah ee aanu ognahay raga iyo dumarka guurkooda waa raxmad rabi isku sameyay mana kala maarmaan balse mida meesha ku jirto ayaa ah si fahan la'aanta, kalsooni darada, is aaminid la,aanta, waxaana keyntay waayaha iyo waqti iyo waliba casriga aan ku jirno, sababtuna diina iyo dhaqanka oo laga tago ayadoo u horseedayso carada rabi.
    aniga oo aanan qofna u gafayn waxaan idinleeyahay xushmada, wanaaga , xishoodkaba, waxaa laga helaa diinta islaam ee dadow diinta u noqdo waa wax yar inta aduunka la jogaayo oo iska dhaafa heerka aad mareysiin maanta waxaad ogaan doontaa macaanka nolasha iyo miro dhal ay leedahay iyo waliba aayatiinka danbe.
    naagna qalkeeda loogma sheekeeyo nina naagtiisa kama sheekeeyo si walba xaalku ha ahaaato shanfaroode way is fahmaan teeda kale waxaan raacinayaa maxaa dumarkii hore qaali ay u ahaan jirey kuwa maanta joogana ay u jaban yihhin?

    ReplyDelete
  3. Anonymous12/19/2010

    dumar casarkan joogo waxa ay la socdaan casriga iyo heerka maanta taagan, hase yeeshee waxa ay ku jiraan dhalanteed iyo qiyaaliga waayaha cusub oo ay asbaabteed tahay xishood la,aanta ka jiro dunida oo dhan ileen horay ayaa loo yiri dumar waa ciyaal cagwayn macnaheyduna waxay tahay naag kacsatay war ma maqasho, rabi kama baqdo oo wax markaas maskaxdeyda ku jirto ayay samynaysaa hadaba, filimada boons ah waa fidno, ajanabiga waa balaayo oo wax uu idiin horsedayaa xumaan iyo facshir,iyo waliba saqajaanimo goormaa laga tagay warkaas hadaba heer ayuu aduunka taagan yahay waligaa miyaad aragtay mise ma qashay naag ninkeda kula dagaalamayso in uu basement xaaqo oo asagana leyahay howshas waa igu adagtahay oo nijaasada iga daa waa mucjiso aduunyada waqtigaa macalin u ah dee ragu waxa ay ku jiraan waqti ay qosal doqonimo ah ay iska qoslaayaan markay naaguhu u moodaan inuu doqon yahay uusan ahayn balse dantiis moog maro horteyd ayuu dhamaadaa maxay tahay sharafta laga sugaayo naaga soomaliyed ee joogo qurbaha doonayso inay dalbato habkaka loo isticmaalaayo, laga yaababa inay jaamacada hollywoodka ka soo qalin jabisay oo wax walba ay daadisay hadii ay xanjada ku dhagsato nin hada qaarada ka imaaday oo kulul sidee ayuu ula kaynayaa? qofkii iimaan leh waxa uu ku imaansadaa qof kasta oo muslim ah maslaxadiisana waxa ay ku jirtaa inuu ilaahay talo saarto laakiin kab aan kabtaada ahayn hadii aad gashato waad ku lumaysaa ee luuqluuqyada ha la iska dhaafo dib baa loo noqonayaa yaysan idinku dhicin carada rabi oo uusan dhulka idinla, ogin xishooda oo kasbada wiilasha adikoo fiirinaayo waqtiga la joogo hadii kale diyaradaha kiciya oo heebkiin maalin ha idiin ahaato maalintiina habeen mise ayaa duli ah oo duurka ku jiro ma moogtihiin 100% waa single mather oo hoosta ayay ka washeyn dee habeenkii oo dhan ayay naxli shegaysaa cunugayda kama warqabto umana aabo yeelayso oo waxaa la hayste u tahay ajanabi oo kulisaayo oo baraayo dhaqan foolxun kana isticmaalaayo meelo aan loogu talogalin in laga isticmaalo waligiin ma idin soo martay gabar aanan xishoon oo raga dhaxdiisa dhuuso ka socoto

    ReplyDelete
  4. Anonymous12/21/2010

    marka diintu idin leedahay naagtu waa beer oo sida aad rabto ayaad u isticmaali kartaa macnaheydu maahan in aad si qaldan u isticmaasho kana isticmaasho meelo qaldan naagtuna ay kuu horseedo oo ay kugu raacdo.
    waqtiga aynaaguhu ugu kacsiga badan yihiin waa marka ay caadada qabto miyaad isticmaali kartaa?
    naagta naaska laga dhuuqi karaa markay ugubka tahay oo uusan caano ka imaanayn hadii caano ka imaado adigoo afka kulajiro waxaad la mid tahay cunugayda.
    gabdhaha buuran iyo dhuuban waa isku mid waa hadba tii ilaahay wax kaa dheefsiiyo oo u dhaga nuglaato
    xaajigeyda lana dhaqmato sida xaq ah.bye dodishe

    ReplyDelete
  5. asc
    waa cajib hadii la leeyahay gabar somali ah ayaa dhaheysa sidaan halii isticmalo marka lagujiro jameeca sariirta)marsii horeysana waxan ka aqriyay gabdho somaliyed oo ka xishoonaya in ninkeda ay u raaxeyso xiliga galmada kahor marka yada raaxo dhameystiran hesho)dhibkajiraaba waxuu yahay dadkena somali hadan nahay diinta islamka wax badan kama fahansanin waayo diinto wax aykatagtay malahan iskadaa xagga galmada jinsigee)waxey kahadashay marka aad shaleysaneyso iyo markad gabahaga aad gashaneyso marka mesha waxa kajira jaahilnimo naga heysata diintena aanan wxbada ka aqon fadlan diinta inbadan iskudaya in baratan waayo waxad kaheleysaa hogaanmin sax midda aduunka ugu fiican qofkastana xaqiisa siineysa kii waayana ay usoo dhicineyso)WABILLAHI TOWFIIQ WSC?

    ReplyDelete
  6. waxaa kuu fiican inaad u tagto nin aqoon u leh daawooyonka jirka

    ReplyDelete
  7. Anonymous11/28/2015

    rntii magaceeyga waa yusuf abdirahman ahmed (barqad cas( aniga waxaan ku dari lahaa in saaxiibteeyda aan mar walbo siiyo waqti igu filan oo aan ugu sheekeeyo taariiqdeena iyo horumarka jaceeylkeena

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post