Maxay ku kala duwanyiihin Guurka Garoobada iyo kan Gabdhaha

Inkastoo guurka calaf yahay jeceylkana da” u gaar  ah laheyn ayaa hadane waxaa jira dhibaatooyin sababa guurka la guursado dumarka garoobka ah kaasoo inta badan khilaaf aan joogsi laheyn sababa.

Guud ahaan guurku waa wax uu Allah jideeyay iyadoo Axaadiis ku soo arooreen in guurka garoobada barako badanyahay hadane waxaa jira caqabado fara badan kuwaasoo ay la kulmaan ragga guursada garoobada.

Marka aan dhowr qodob ka xusno caqabadaasi baarritaano iyo xog aruuris ay sameysay AlCarabiya ayaa waxaa 45% lagu sheegay in guurka garoobada ama Single Mother ka aad ugu duwanyahay kan gabadha.

Daraasaadkaasi ayaa waxaa lagu ogaaday in xaasaska horay garoobnimada loogu guursaday iyo kuwa gabdhah ahaa farqiga u dhaxeeyo ay tahay in hadii uu muran dhexe maro iyada iyo Saygeeda ugu hanjabto inuu si deg deg u furo iyadoo tusaale u soo qaadato kii isaga ka horeeyay taasoo laga dheehan karo in furiinka aan wax micno sidaasi u weyn ugu fadhin.

Dhibaatooyinka kale ee ay ragga  garoobada qaba ama horey u soo guursaday sheegtaan ayaa waxaa ka mid ah,in dumarka garoobnimada lagu guursado ay ninkii horey u furay sheegto inuu marna niyadeeda ka go,in casharadii uu u soo dhigay taasoo niyad jab weyn ku keenta Saygeeda,

Hadaba markaan soo koobo maqaalkani oo aan ula dan laheyn inaan dhaleeceyn u jeediyo dumarka wanaagsan ee garoobada ayaa hadane waxaa jirta in ragg farabadan oo horey u guursaday garoobo qaarkood sheegaan haduusan calafka aheyn inuu ku deg degi laheyn guurkooda,


3 Comments

  1. Anonymous11/16/2010

    naagaha da'da weyn aad bay galmo jecelyihiin qaarkooda kama dhergaan, aad waxay u rabaan nin aan daalaynin oo kacsi badan

    ReplyDelete
  2. Anonymous11/16/2010

    yaasheegay taa kuley qofkii soo arkay ayaa jawaab kabixin karo taaaaaaa

    ReplyDelete
  3. Anonymous11/28/2010

    waxaa edab daro ah in nin iyo naag is arkadey cilada laga dhigo garoobnimo aniga garoobada waa ciladeysan yihiin markii la fiiriyo gabdhaha laakiin ragu waxey ka cararyaan waay aregnimada garoobnimadu xambaarsan tahey nimankuna iyaga ankee waxeysan tix galineynin garoobnimada ay iyagu soo mareen taasuna waa nin xoogleh ayaa xaaja u dhammaatey

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post