10 su'aal iyo 10 jawaab oo guurka la xiriira

halkan oo  aanu su,aalo iyo jawaabo  guurka ku saabsan ku soo bandhigi  doono  qaarkood!
s1:ninku haduu xaaskiisa ku yiraahdo hooyadeey oo kale  ayaad iga  tahay ,   xaaraam  maka noqonaysaa ?
j2:xaaraam ayeey ka noqonaysaa ilaa  uu  kafaaro-gud  la yimaado.
s2:nin iska ciyaaray haduu nin kale ku yiraahdo " gabadhayda  waan  kuu  meheriyay" ninka  iyo gabadhana is rabaan  meherkaas  ma jira?
j2:Haa  haduu ninku aqbalo.
s3:haweenaydu  ma dalban  kartaa  furitaan?
j3:HAA  hadii ay sabab  sharci ah  haysato.
s4:maxay xaq u leedahay  haweenayda  uu  ninkeedi  ka dhintay iyagoon  is  taaban?
j4:meher  iyo dhaxal, ciddo  inay tirsatana  waa  laga  doonaya.
s5:waa  sidee  inuu ninku xaaskiisa gadaal  uga  tago?
j5:meel  aan ka ahayn meesha dhalmada (farjiga) waa mamnuuc in haweenayda looga tago
s6:waa sidee xaasku inay iska diido ninkeeda isagoo uga baahan galmo?
j6:waa danbi waxayna isku darsan carrada allah iyo  lacnada malaa´ikta.
s7:maxay xaq u leedahay maxkamad islaami ah oo ay usoo dacwootay gabar loo diiday wiil ay is rabaan inay is guursadaan?
j7:in aabaha lagu yiraahdo isku meheri, haduu diidana maxkamaddu  isku  meheriso.
s8:maxaa la gudboon gabar iyo wiil is rabaa,  laakin la isu diiday?
j8:inay maxkamad islaami ah isla tagaan oo ay isku meheriso  xattaa  haduusan  waalidku ogalayn.
s9:muxuu ninku ka samayn shardiga ay gabadhu qabsatay markii la  nikaaxinayay?
j9:waa in loo oofiyaa shardigaas hadii  uusan  sharciga  ka  hor imaanayn.
s10:maxaa loo baahan yahay in la iska ilaaliyo marka la is shukaansanayo?
j10:isla cidloobid/khalwo, muddo dheer wada socosho,gacmo is qabsi, faaraanti isku galin waana dhaqamo xun-xun oo sharciga ka soo horjeeda.

5 Comments

  1. maxaa ila gud boon in aan guursado ayaan rabaaye maxaadse igula talinaysaa

    ReplyDelete
  2. Anonymous12/22/2010

    maansha alaah cilmi ayaan ka faaiidnaye
    qaybta ceebta ah ka reeba ........
    oo soo galiya uun qaybta cilmiga sharciga ku salaysan ........
    THANK YOU

    ReplyDelete
  3. Anonymous9/29/2012

    Asalaamu calaykum wll waxaan rabaa inaan su'aal idin weydiiyo idinkoo mahadsan, uur baan lahaa 5 todobaad ah kadib dhiig baan isku arkey, dhakhtar baan la.xidhiidhay waxay igu tidhi waa caadi hadii uu ilmihii koowaad yahay dhib majiro, waxaan kuu balaminayaa dhakhtar scan ku saara markaas wey iibalamisay 2 cisho baan arintii ku sugnaa, kadib scan kii baan maray waxna kamay arkin markaas dhiig.baa lay diray. Waxaana laygu yidhi waa 3 mid in dhiigii ilmihii ahaa oo uu.soo.dhamaaday , inuu.xaga sare ku sameys may oo aanu scanku qabaneyn, iyo inuu Wali yar yahay oo uu ubaahanyhay wkhti, maalintii hore HPT baan ku eegay positive buu sheegay, maalintii danbena waan.ku.eegay oo negative buu sheegay, walina shaki baa igaga jira ee talo maxaad isiin lahay

    ReplyDelete
  4. magursan kartaa nin reekiinu kusiiyeen cidkalana aanay

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post