Gabdhaha oo kiniinka xanuunka u qaata wax kasta

Waxa jira kiniiniyo kala duwan sis  Aspriin-ka, Ipren-ka, Alvedon-ka oo laga iibsado farmasiiyada ama meelaha kale ee lagu gado dawooyinka kuwaas oo u baahnayn in uu dokor kuu soo qoro loona qaato xanuunka si loo dejiyo xanuunka jirka haya. Maaha kiniiniyo loo cuno cudur sida qaaxada, cagaarshooga iyo waraaboowga, laakiin waa kiniino la qaato marka uu qofku dareemayo xanuun sida marka gabadhu caadada qabto oo dhabarku xanuuno ama muruqyadu xanuun ka hayo shaqao  badan darteed.
Hadaba wadankan Sweden ayaa lixdii gabdhoodba mid, qiyaas ahaan boqolkiiba 15 ee ku nool caasimada Sweden ee Stockholm ay qaataan maalin walba ama dhowr maaalmood kiniiniyadan. Baadhitaankana waxa soo bandhigtay jariidada ka soo baxda wadanka Sweden ee layiraa Sevenska Dagbladet. Hablaha ayaa kiniiniyadan u qaata madax xanuunka, caadada, stress-ks (kadeedka), hurdo xumida iyo cayilaada.
Tirada wiilasha ee cuna kiniiniyada ayaa ah boqolkiiba 9. Tobonkii dhalinyarana hal ka mid ahi ma qaato kiniiniyadan.
Haaba waxa jira kiniiniyo kale oo ayagana loo cuno xanuunka kuwaas oo doktork u qoro qofka qaadanaya. Kuwa uu doktorku qoro oo ay ka mid yihiin Citodon, Panacod iyo Treo comp ayaa waxa ku jirta walax la yiraa kodein, taas oo uu qofku noqon karo mid la qabatima oo uu u baahanayo markasta sida qof adeegada maandooriye. Walaxdan kodein-ta ayaa u gaysan karta dhaawacyo kelyaha iyo beerka hadii in badan la isticmaalo. Waliba hadii lala qaato kiniiniyada kale ee aan doktorku qorin sdia Alvedon-ka oo ay ku jirto paracetamol ay sun ku tahay jirka.
Liis ka mid ah noocyada kiniiniga ah ee lagu dejiyo xanuunka ee uu doktorku qoro:
Citodon och Citodon forte
Panocod
Treo comp
Ardinex
Dexofen
Dolotard
Doloxene
Dexodon
Distalgesic
Doleron
Liiska kiniiniyada uu qofku sida tooska ah farmasiiga ama meelaha kale uga iibsan karo asaga oo warqad ka wadan doktorka:
Alka-Seltzer
Aspirin
Bamyl
Dispril
Magnecyl
Bamyl koffein
Magnecyl-Koffein
Treo
Alvedon
Curadon
Lemsip
Panodil
Reliv
Ipren
Hadaba waxa haboon in uu qofku ahaado mid aad uga foojigan isticmaalka badan ee dawooyinka noocan ah oo kale. Hadii uu qaadanayana aanu badsan.
(source: aftonbladet.se)
Adiguna ilaasho caafimaadkaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga.
Digniin
Halkan hoose waxa aan soo galinay video ku saabsan xayaysiis ka mid ah xayaysiisyada loo sameeyay kiniiniyadan oo la yiraa Ipren. Muhiimadu waa in aad ogaataan in aanan u soo galin xayeysiis ahaan. Sida aan kor ku xusnay ayaa waxa muhiim ah in uu qofku ka foojignaado adeegsiga badan ee kiniiniyada.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post