Noocyada dumarka

Noocyada dumarka
1. Qaylo badan:

Waa ta qaylada badan leh, ee hadh iyo habeen qaylo uun la soo taagan. Wax walbana dhibsata, oo shanqadhii baxdaba ka qaylisa. Guriga ay ku nooshahay lagama jecla. Cidina ma soo booqato. Jaarkana way is hiifaan. Oo waji xumo ayaa ka dhaxaysa. Aakhirkana guriga waa loo faaruqiyaa. Oo cidlo ayey ku soo hadhaa.

3. Sama-wada:

Waa haweenayda mar walba ka talisa wanaagga, ee dadku u yaqaanniin samawada. Sumcad fiican iyo wanaag ayaa lagu yaqaannaa. Mujtamaca ay ku dhex nooshahayna waxa ay ku leeedahay sumcad fiican.

2. Lagu farax.

Waa gabadha wajiga furan leh, ee had iyo jeer iska faraxsan. Qofkasta oo ay aqoon isku leeyihiinna uu ugu yeedho Farxiya. Haweenaydan waxa gurigeeda loogu tagaa sheeko iyo farxad, inta badanna gurigeedu waa buuq iyo waanu sawaxan badan yahay. Ragga intooda badani guriga noocan ah kama helaan. Carruurta gurigaa ku noolina, ma hesho fursad ay waalidkood kula sheekaystaan. Amma ay wax ku bartaan.

4. Fidmooley.

Waa gabadha amma islaanta dhaqankeedu noqday isku dir, dad u kala sheekayn iyo xumaan ka talis. Tani waxa ay ku caan tahay namiimnimo, dagaal, aflagaado iyo fadqalallo. Dadka yaqaannaana ma jecla. Waana la iska rururiyaa. Si ay dadka u dhex gashana waxa ay ku soo gabbataa, dhar ( sida dharka dumarka) iyo badeecooyin ay xaafadaha la wareegto. Oo ay dumarka daymiso.

5. Maalinba nooc.

Waa haweenayda maalinba nooca u hagoogata amma u dhaqanta, ee aan meel loogu soo hagaago lahayn. Waxana ay caan ku tahay ballan darro. Ninka ay la nooshahayna ma jecla, waxana uu ku wareeraa qorshayaasheeda. Ballan daradeeda iyo beenteeduna waxa ay u keentaa in aan qofna xiiso u qabin. Had iyo jeerna waa ay cabasho badan tahay….aakhirkana ummada gooni ayey uga baxdaa.

6. Isla weyn.

Waa ta is cajabisay, ee tiri wax walba anaa aqaanna. Madal kasta iyo wax kasta oo la hayana iyadu isku xil-saarta. Kibir iyo is cajabin ayey caan ku tahay. In ay cid walba ka caqli badan tahay ayeyna isku qabtaa. Oo qof ay sheeko ka dhageysataa ma jiro. Waata odaygeeda ku tidhaa aammus, waxba ma ogide. Tani waxa lagu gartaa…dumarnimadeeda kuma koobna. Ragga iyo dumarka arrimahooduna uma kala soocna oo mid wala waa ay dhex gashaa. Had iyo jeerna waxa la arkaa iyada oo amar bixinaysa amma ku tarki falaysa dhaqaalaha reerkeeda.

7. Shaydaamad.

Waa gabadha amma islaanta aanad garanayn wax ay waddo iyo wax kaaga iman doona, waa masiibo cirkaa ka soo dhacday, oo ilaah siiyey maskax fiican, laakiin aan maskaxdeedaa fiican u isticmaalin sida wanaagsan. Ee had iyo jeer ku mashquulsan mu’aamaraad iyo been sheegid. Sirteedana lama helo. Lamana kala garto in ay wanaagsan tahay iyo in ay xun tahay. Waa ta ina-rag ku wareero, ee uu ku waasho.

8. Ragey.

Waa fariid ku caambaxday talo badni, waxana ay u dhaqantaa sida ragga. Sheekada dumarkana kuma badna. Markaasay dadku yidhaahdaan tani waa ragey. Runtii ma caqli xuma laakiin, waxa la yidhaa tani uma fiicna reerkeeda. Oo inta badan fariidnimadeeda ayey reerkeeda ku dumisaa. Waxana ay caan ku tahay la tartanka ragga.

9. Raalliya.
Lambarka koowaad waxa gashay raalliya garaad badan. Waxa ay ka hadh hadhay ninkeeda iyo ubadkeeda. Gurigeeda waxa loogu yimaaddaa cunto, qosol, kaftan iyo farxad. Dulqaad ayey dhammaysay, oo waa gabadh samir badan. Nolosheeduna waa guul.
10. Marwo dumar.
Waa haweeney garaad badan, oo talada reekeeda ka hadh hadhay. Laakiin taladeeda badan ayaa mar mar muran keenta. Haddiise ay nin fariid ah wada nool yihiin waxba la islama diido. Qiyaas ayaanay ku socotaa, oo arrinta reekeeda iyada ayuunbaa dhammaysata. Dumarka lagu sheekaysto maaha.
11. Ma hubsto.
Waa gabadha mar walba la qaldi karo, ee war kasta oo loo sheego hubsiimo la’aan rumaysata. Haweeyeydaasi ma kala soocdo beenta iyo runta. Waxana ay caan ku tahay war badni. Kaddibna dadka ayey aad isaga hor yimaaddaan.
12. Gogol ku cuna.
Waa islaanta ku caan baxday cadho, canaan, cay. Had iyo jeerna ninkeeda la sugta gogosha, ee marka uu dhinaca saaraba dirirta bilowda. Waa dhiblay aan ninkeeda horumar u oggolayn. Maalinta uu qorshe amma shaqo galana kula talisa in uu isaga tago.
13.Habaar qabto.
Waa beenaley, iimaan la’ oo aan gurigeeda khayrkuba ku nasan. Kharash badanaa oo ninkeeda iyo carruurteeda ku hawl badanaa. Dadka kalena ku dhib badanaa. Markaasi ayaa la yidhaa taasi waa habaar qabto.
14. Wareeg badan.
Tani gurigeeda kumaba nasato, waxana ay jeceshahay in ay wareeg iyo qaraabo salaan uun ku jirto. Xilla iskama saarto hawsha reerkeeda. Culayskana waxa ay saartaa ninkeeda, carruurteeda iyo kolba ciddii la joogta.
15. Barwaaqo
Waa gabadha ku fiican dhaqaalaha, ee aan ku takri falin xoolaha reerka. Tani waa barwaaqo ninka helaa uu nasiib saday. Doqonkuse ma kasbado.

5 Comments

  1. Anonymous11/10/2011

    anigu 2 nooc baan iskugu jiraa Raaliya mida ah laakiin jecel ninku inuu fahmo markasta.

    ReplyDelete
  2. Anonymous11/10/2011

    nin ku fahma Allaha kuu siiyo, haddaadan weli guursan. Haddaad xaas tahayna isku taxalluji siduu ninkaagu kuu fahmi lahaa. Raaliya dhab ah nin helaa nasiib ayuu leeyahay.

    ReplyDelete
  3. Anonymous7/28/2012

    waaaaaaw cooool raaliya is ok

    ReplyDelete
  4. Anonymous9/11/2012

    MANSHAA aLLAAH WAA WAX LALO DHACO

    ReplyDelete
  5. Anonymous9/18/2012

    mashAllah wa kahelaay runti mahadsanid bRG

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post