Qoyaanka xubinta taranka haweenka

Qoyaanka xubinta taranka ay leedahay ayaa ah mushkilad aad u badan oo haween badan ay ka sheegtaan taasi oo ku beerta wel wel oo ku aadan badnaashaha qoyaankaas , waxaana arintaan ka sheegta 60% haweenka.
Qoyaan dheecaaneedkaas ayaa midab ahaan cad , waa uu jiid-jiidmayaa waxa uuna dhab aana u shabahaa dheecaanka ukunta oo kale.
Inta badan xubinta taranka haweenka waa ay qoyan tahay maadama uu leeyahay maadada loo yaqaan Lactic acid oo ah maado caaneed taasi oo ka soo shubanta halboow layaasha dhiigga taasi oo quudisa darbiga xubinta haweenka.
Sidoo kale qoyaanka xubinta taranka mararka qaar waa uu kordhaa taasina waxa ay ka dhalaneysaa cilado ku yimaada hormone-da waxa ayna tani timaada marka dhiiga laga qubeysto.
Halka cun cunka ama xanuunada xubinta taranka yimaadaan marka ay heerka sokorta iyo carbohydrates-ka ay aad u sara maraan waxa ayna dhacdaa xiliyada uurka .
Sidoo kale haweenka dhiiga uu ku yar yahay xiliga malabyarowga lagu jugeynayo dheecaano badan ayay soo deysaa.
Waxaad ogaataa in dheecaanada xubintu soo deyso in ay yihiin wax dabiici ah maxa yeelay waxa ay si automatically ah u nadiifiyaan unugyada dhintay iyo bacteriyada waxa ayna dheecanada ka yimaadaan qanjirka gudaha minka .
Sidoo kale dheecanaadaan qoyaanka waxaa la arkaa ka dib marka dhiiga laga qubeysto waana adag yihiin waana cad yihiin.
Balse waxaa ogaataa in qoyaanka yimaada marka malabyarowga uu galayo xubinta waa mid fududeyneysa in si sahal ah uu ku galo oo uu ku mirqo si sahal u noqoto ruxitaanka.
Qorshaha ku darso mararka qaar dheecanaadas waa kuwo iska caadi ah maxa yeelay xubinta taranka wax aay leedahay sakxad jilicsan sida indhaha iyo gudaha sanka ee qoyaanka leh
Dheecanaada iska dabiicga ah midib ahaan waa cad yihiin waana jileec , mana laha wax shiir ah sidoo kale ma keento cun cun .
Hadaba maxaa keena dheecanada badan ee xubinta taranka?
Adeegsiga kareemooyinka xubinta taranka loogu tala galay , saabuunada oo xasaasiyad ku reebi kara xubinta haweenka , xerashada dhar hoosaadka cariiriga ah (nikis kugu dhagan) iyo xanuunka sokorowga.
Sidoo kale infekshan ku dhaca dhuunta minka , cudarada taranka ku dhaca iyana waa keenaan.
darbiga xubinta taranka waxad ku karemeysa burcadka caanaha , marka xaajada soo gudato(Suuliga) si wacan u nadiifi

10 Comments

  1. Anonymous2/16/2012

    asc raaxad guurka aad bad u mahsan tihiin walaaloyaal aniga hal iyo habeen uu iga sococdaa biyaha cadi sabtana ma garnyo walaal ii sheega sababta hal iyo malin ay u socdaan biha cadi mahsnidiin

    ReplyDelete
  2. Anonymous2/16/2012

    asc aniag hal iyo habeen way iag socdaan biyaha cad i sheega sababta ay u socdaan hal iyo habeen 24 saacba mahsnidiin

    ReplyDelete
  3. biyaha haddii cuncun ay wataan waa jirro waxaa fiican inaad is daaweyso, haddiise cuncun aysan wadanin waa in la ogaadaa goorta ay soo baxayaan maxaase keenaya ? haddii kacsi kaddib ay soo baxayaan waa wax caadi ah haddii kacsi la'aan ay soo baxayaan waxaa dhici karta inuu xanuun jiro

    ReplyDelete
  4. umu nasteexa2/18/2012

    HIdii aan wax yar ku daro xubinta dumarka waxaa ku yaala laba qanjidh oo soo daayo dheecaan asid ah si ay ula dagaalamaan bacteriyada meesha u qooyaan maxaa yeelay meel kastoo dalool ah jidhkeena waxy leeday qoyaan u gaar ah , sida Afka , Sanka,DHagaha , Indhaha & xubinta markaas xubinta dumarku waxy ku taalaa meel laab ah bacteeriyaduna waxay jeceshahay inay hesho oo ay ku korto meel madow , qoyan, diiran intiiba way ka helaysaa hadaba si aanu qoyaankaas u sii badanin meeshana aysan cudur uga dhalanin waa in nadaafada lagu dadaalo,ka hortagaa ka fiican daaweynta.
    1) timaha ka gurama xiir markasta ha u ogolaanin in aay dheeraadaan.
    2) ku mayd biyo diiran iyo saabuun.
    3) ha gashanin nigis kugu dhagan,
    4) nigiska markaad bixiso marlabaad hagashanin iska maydh oo qalaji markaas dib u xidho.
    5) isticmaal cadarada , hadaad ka baqdo inaad xubinta ku shubto mari nigiskaaga oo gasho .
    6) mari kiriim ama burcad maxaa yeelay waa meesha ugu qaalisan jidhkaaga waxayna u baahantahy daryeel wanaagsan INSHA ALLAH natiijo wanaagsan ayaad ka heli doontaa.

    ReplyDelete
  5. Anonymous2/19/2012

    asc wr wb walal waxad isheegtan qofta dumarka ahi markay saygeda laraxaysanayso markay biyuhu markiba kaso baxan bay raxa badan tahay mise markay kuyara ragan

    ReplyDelete
  6. ruuxa galmada samaynaya marka biyaha ay ka soo raagaan ayuu raax badan helayaa

    ReplyDelete
  7. Anonymous2/23/2012

    asc wr wb walal waxa iga jahil sartin plz markan saygayga lagalmonayo oo an forarsado dhibmaygu kenikarta hawada igagalaysa hoosta naqaskan kahadlaya see makanka dhibma u keenikarta mahadsanidin jawab jzkl

    ReplyDelete
  8. walaal way jirtaa in aariyo ay ku gasho marka aad samaynayso galmada foorarka taas wax dhib ma laha inta badan waxay ka timaadaa naagta marka ay ahaan jirtay mid buuran kaddib ay caatowdo laakin cudur ma aha meesha ayaa si fiican u furanto markaas ayaa neef ka buusanto

    ReplyDelete
  9. Anonymous2/24/2012

    aad ba u mahadsantahay walal jzkl

    ReplyDelete
  10. Anonymous3/10/2012

    asc haddii naagta uu kasocdo biyo shiirleh in lo galmodana ay doonayso maxan yeelaa

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post