Qiso aadan waligaaga maqlin yaysan ku dhaafin

Qiso aadan waligaaga maqlin yaysan ku dhaafinQisadaan waxa ay ku dhacday Gabar kamid ah gabdhaha
wanaagsan kuwaaso raali Galiyay ALLAHII abuuray,
waxa ay kamid ahayd ardayda wax ka barata jamacadaha Carbeed.
Gaar ahaan kulyada ISLAMIC.
Waxaa qisadan ka sheekeynaya SHIKH goob joog ka ahaa,
waxa u leeyahay Sida tan: Gabadhaan waxa ay ahayd mid
ALLE weyne u siyay Cod aad u macaan, taaso ay ku aqrin jirtay
Quranka Karimka Habeenka Intiisa dambe, heer waxa ay
gaartay ay hooyada gabadhan dhashay ay soo jeedo habenka
intiisa dambe si ay u dhagaysto Codka aadka u Quruxda badan
oo ay gabadheda Quranka Ku aqrinayso,

maalin maalmaha kamid ah, ayaa waxa dhacday in
Gabadhii xanuunsato, xanuun daran,
waalidkeed waxa ay go'ansadayn in ay Isbital u qadan Gabadhoda,
kadib waxa ay u qadayn Isbitalka Laakin Nasiib xumo,
daqiiqado yar kadib waxaa loo sheegay in gabadhoda ay Geeriyotay,
murugo & isa samarsin kadib waxa la'aasay Gabadhi,
laakin maxa dhacay marki la'aasay kadib?

waxaa la yimid Gurigii, waxaa meesha ka baxay farxadii lagu yaqaanay Reerkan, laakin marki la gaaray habeenkii wiliba xiliga ay gabadha aqrin jirtay Qur'aanka, waxaa soo kacay hooyadji sida caadada u ahaydba marka ay usoo dhawaatay
qolkii Gabadha ay daganeyd, hooyadii waxa ay maqashay, Ooyin,
weliba dad badan oo ooynaya, hooyadii way argagaxday,
kadib waxa ay soo kicisay Aabihii Guriga, kadib isagana wuu la yabay,

waxa uu galay qolka, waxa uu daaray leerka Qolka mise cidna kuma jirto,
habenkii 2baad & 3xaad waa sidii wax baa ooynaya marki la gaaro xiligii
ay Gabdhu Qur'aanka Aqrin jirtay, hadana lama arkayo,
kadib arintan waxa loo bandhigay SHIIKHA qisadan Warinaya,
waxaa la balamiyay Xiliga ay arintan dhacdo oo ah 1:00 Am,
kadib shiikhii ayaa yimid Guriga, mise waxa uu maqlay wixii ay horay u maqli
jireen reerka, kadib Shiikhi isagana waxa uu la dhacay ooyin xad dhaaf ah,

tasoo ka yaabisay reerki oo dhan, mudo kadib ayuu
Shiikhi ku yiri reerka:
Maxay Qaban jirtay Gabadha xiligan oo kale?,
Mamada guriga ayaa dhahday:
xiligan oo kale waxa ay aqrin jirtay Qur'aan,
Salaatul-leelna way tukan jirtay. Kadib Shiikhii isaga oo oynaya ayuu dhahay,

Walaahi waa ruux wanaagsan gabadhaas sababtoo ah,
waxa ooynaayo oo adan arkeynin waa MALAA'IG
iman jirtay xiligan oo kale kuwaaso waayay codkii wanagsanaa
ee gabadha taasoo Qur'aanka ku aqrin jirtay cod macaaan.

Hadaba walaal ruux walba oo fariintan aqrinayow, is weydii
→ Maxaad u diyaarsatay la kulanka Alle?
→ Ma aqrisaa mana Fahamtaa Kalaamka ALLE Weyn?,
→ Ma tukataa Salaatul-leylka?

Walaahi waa la dhiman, cid hareysaayi ma jirto, Fadlan 2 daqiiqo Fakir...
→ Maxaa laguu abuuray?
→ Goormeyna Ajashaadu tahay?
waxan hubaa in aad naftaada baadi goobi doonto hadaad tahay ruux imankiisu uu wanaagsan yahay.
Ogow maanta fursad baad haysataa, waxa la gaarayaa maalin fursad kale aan lagu siineyn, hadaad imtixaankaas mar ku dhacdo ma jirto fursad kale
oo aad isu soo habeysid, hada ayaad haysataa fursad marka ka
faa'iideyso walaal, noqo Ruux Caaqil ah, oo fakiragana dhiibo
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post