Astaamaha lagu garto qofka ku jecel

sida la ogyahay wejiga iyo  xubnaha jirka intooda kale inay yihiin astaan lagu garan karo waxa dhex yaalla qalbiga, naag jacayl nin u qabta ama nin naag jacayl u qabo waxaa laga arkaa astaamahaan soo socda
1-xusuus badan mar kasta inaad niyadda ku haysid oo aadan ka saari karin oo aad ku mashuulsantahay
2- inaad ka sheekayso qofka aad jeceshahay mar walba waxaad rabtaa inaad xusto
3- in si xoog ah wadnaha u shaqeeyo markaad si kedo ku  aragto qofka aad jeceshahy
4- marka aad u soco kulankiisa  waxaad dareemaysaa firfircooni siyaado ah, marka aad ka soo tagaysidna waxaad dareemaysaa culays iyo tiiraanyo iyo caga-jiid
5- qofka ku jecel si rasmi kuuma fiirin karo, fiirista ayuu kugu xadayaa, marka aad dhinac kale u jeedano aad buu kuu fiiriyaa
6- wax kastoo aad nacaybtahay waa ka fogaanayaa qofka ku jecel adoo aan dhihin ka fogoow
7- wuxuu jecelyahay inuu kuu soo dhowaado marka aad meel wada joogtaan
8- dadka adiga aad jeceshayna wuxuu jecelyahay inuu ixtiraamo waxa aad jeceshayna inuu jcelaado, waxaa la sheegay nin ayaa naag jeclaa deris ayay ahaayeen maalin kaste waxay garaaci jirtay mooye marka uu dhintay gurigiisa waxaa laga helay 40 mooye, mid kale ayaa la weyddiiyey waxaa lagu yiri qorraxda ka waran iftiinkeeda markaas ayuu yiri marka heblaay (naagta uu jecelyahay) gurigeeda ay qabto ayay ugu iftiin badantahay
Previous Post Next Post