Waa maxay biyo-bax degdeg ah?

Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan "Premature Ejaculation" loona soo gaabiyo "PE" waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah.

Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo diraaso la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood.

Waxaa kaloo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo "PE".

Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax (Orgasm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro.

 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post