Barlaskooni oo lagu haysto inuu galmo la sameeyey gabar yar

Berlosconi
Reysalwasaaraha Talyaaniga Berlosconi Ayaa Lagu Eedeynayaa Inuu La Seexday Gabar 17-Jir Ah)
Xeer illaaliye jooga magaalada Milan ee Talyaaniga ayaa amray in Ra’iisalwasaaraha Talyaaniga Sivio Berlusconi la soo taago maxkamad, isagoo lagu eedeynayo inuu lacag bixiyay si uu ula seexdo gabar 17 jir ah, markii la ogaadayna uu isku dayay inuu qariyo isagoo isticmaalaya awoodiisa.
Waddamada dalaka Yurub ayaa da’da uu qofka qaan gaar ku noqdo waxay tahay siddeed iyo toban jir, waana sharci daro hadii aad la seexatid qof da’diisa ay ka yar tahay 18 jir wiil iyo gabarba.
Silvio Berlusconi ayaa ku tilmaamay eedaynta wax aan sal lahayn. Isaga iyo gabadha ayaa beeniyay inay isla seexdeen. Ra’iisalwasaare Berlusconi ayaa waxaa kaloo loo haystaa saddex dacwad oo kale
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
cabdulaahi_heeb@hotmail.com
muqdisho-somalia
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post