Haweeney Soomaali ah oo been lacag gaareysa £250,000 ku heshay,Sidee ku dhacday?

Ayaan Cabdulle, waa Haweeney Soomaaliyeed, waxay been ay ku dacwootay ku heshay lacag gaareysa £250,000 oo lacagta Pound-ka Ingiriiska ah.
Ayaan waxay adeegsatay magac aan sax aheyn oo ah Aamina Muuse markay iska dhiibtay Ingiriiska,iyadoo ku noolaan jirtay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden oo ay iska dhiibtay sanadkii 1994-tii.
Waxay uga dacwootay wadanka Ingiriiska in dadkeedii la laayay, sidaasna ay ku kaliftay in dalkeeda Soomaaliya ay ka soo cararto iyada iyo shan caruur ah oo ay wadatay iyo saygeeda.
Ayaan waxay Ingiriiska timid 2004-tii, xilligaas waxaa la socday caruurteeda oo shan ah oo haatan da’ ahaan uu ugu weyn yahay 17-sano jir iyo saygeeda Raage Aadan.
Saaxiibteeda oo la yiraahdo Hodan C/llaahi Cigaal oo ku nool Gothenburg waxay tiri “Ayaan waxay jecleyd nolosha halkaan, waligeedna shaqo ma aadin, si dhib la’aan ah ayay lacagta ceyrta ku qaadan jirtay, waxayna ku qarash gareyn jirtay Saaxiibadeeda Muqdisho”.
“Laakiin iskuma aysan taxalujin barashada luuqad kale, oo waxay ka door biday inay u guurto Ingiriiska” Hodan ayaa tiri sidaa.
Ayaan oo ku dhalatay sanadii 1969 Muqdisho, waxay Ingiriiska u sheegtay in 1 December 1998 ehelkeeda la laayay, xilligaas oo run ahaan aheyd xilliga gabadheeda ay ku dhalatay Sweden.
“Waxay dhihi jirtay halkan lacagta si fudud ayaa lagu helaa,waxay aheyd mid ay ku qanacsan tahay, dhibaato la’aanta helidda lacagta” sidaa waxaa tiri Hodan.
Intii u dhaxeysay June 2004-May 2010 ayaan oo ku nooleyd Neasden, Waqooyi Galbeed London, waxay heshay £261.358.14 oo lacagta Ingiriiska ah, taas oo isugu jirtay dhamaan lacagaha qaxootiga loogu tala galay.
Dad saaxiibadeed iyo Dariskeeda ah waxay sheegeen in ninka kaliya ee soo booqanayay uu ahaa Adan, hase ahaate waxay iyadu isaga diiwaan galisay Sweden in ay guursatay nin 41 jir ah oo la yiraahdo Xasan Maxamed Cismaan sanadkii 2007-da.
Waxay siisay magaca aabaha canugeeda lixaad oo dhashay 2009-ka C/rashiid Maxamed Cumar oo ah Soomaali ka yimid Kenya 2006, isla markaana dacwo ahaan ku yimid Ingiriiska Ninka ama Sayga Aamina Muuse.
Ayaan waxay kashiftay dhagarta ay sameysay, kadib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah qaraabadeeda.
Qof hore saaxiib ugu lahaa London ayaa yiri “Waxay aheyd qof sir adag, waligey ma arkin saygeeda (Ninkeeda) lix sanadood, waxay badalatay nambarka taleefankeeda, mana la xiriiri karin iyada”.
“Waxay ku noqotay Gothenburg afar mar, iyadoo hal mar aaday Afrika” ayuu yiri qofkaasi.
Maxkamadda Harrow ayaa Afar sano iyo bar xabsi ah ku xukuntay ayaan, kadib markii lagu helay tuhumo dhagar ah, kuwaas xad gudub ku ah Nidaamka Qaxootinimada.
Haatan Lama celin karo, maadaama arrinteedii xukun ku dhamaatay, sidoo kale waxay qaadatay sharciga Dhalashada Ingiriiska sanadkii 2009-ka.
Isha Warka:- DailyMail
Maxamed Midnimo
Tafaftiraha Xogsheeg
Email:- xogsheeg@hotmail.com 
Previous Post Next Post