Qaar ka mid ah Gabdhaha Somalida oo Laga helay Cudurka damac-naageed


Dhawaan waxa soo shaac baxaya dhaqamo kala duwan ooy haweenku somalidu lasoo baxeen waxaase ogsoonahay in Soomaalidu lagu tiriyo dadka ugu Dhaqamada wanaagsan Afrika ama Dhamaan Caalamkaba balse Maalinba maalinta ka danbeeso aadbay usii qalibmeysaa dhaqamadu ay Soomalidu caanka ku ahyd.

Ka gadaal markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Somalia 1991 dii ayaa Soomaalidu noqdeen kuwa dukaashada Rafiiiqna ka dhigtay rafaaad waxa ay ku soo Ambadeen Daafaha caalamka ruux walba wuxuu aaday Meeshii tabartiisu geeyso, Soomaalidu waxay noqdeen kuwa Qaarkood Magac ku leh meelaha ay ku noolyihiin qaarbaa Fanaanimada kusoo baxa Qaarbaa Masuul ka noqdo goobtaas uu joogo qaarbaa  Wax barashada kaga gaara meel Heersaro ah .

Intaas iyadooy jirto ayaa qaar ka mid ahi noqdaan kuwa Dhaqan doorsamo rag iyo haween balse mowduuca maanta aan doonayo inaan ka hadlo damiirkuna iidiiday in aan ku fiirsado ayaa ah Haweenka soomaaliyeed ee Dhaqan doorsamay walooow Raguse jiraan kuwa ka mid ah oo ayaguna dhaqan doorsamay Muwduucyada kale ayaan uga hadli doonaa haduu eebe idmo.

Dalal badan oo caalamka ka mid ah waxaa laga hirgaliyey Dhaqamo la xariira diinta (Cristian) oon meelna kasoo galin  Diinta Nasteexada iyo Nolosha badan ee (MUSLIM) ka sida  in Ninku xaaskiisa lala isticmaali karo, in ninku uusan awood ku leheen Maamulka guriga uu aabaha kayahay, (in haweenku isa isticmaali karaan iyagon Rag tabin) .

Qodobadaan ayaa laga hirgaliyey Yurub iyo Ameerica iyo dhamaan dalalka aanan diinta islaamka lagu maamumiln waana dhaqamo xun xun kaso gudub taa Haweenka Somalida ayaa noqday kuwa iyaguna mid iyo labo kusoo kordhaya bulshada  kuwaa oo lagu arkaya dhaqanka lagu yiraah afka qalaad Lesbian marka la macneeyana ah in Haweenku isa isticmaali karaan, Waxaad arkaysaa in hablihii somaliyed iyagoo is dhuuqaya ay isa soo sawiryaan iyaga oo isku raaxaynaya isa soo sawirayaan iyagii  qeebaha kala duwan ee jirka iska isticmaalaya waliba aanan la oran karin waa sawir lagu xaday diyaar waxay uyihiin in sawirkaas laga qaado waana kuwa dhoola cadaynaya ku faraxsan Dhaqankaan baas eey ku jiraan .

Dhamaan habalaha Somaliyed waxaan ku dhiiri galinayaa in ey ka waantoobaan dhaqamdan xun xun iyo sawiradan foosha xun ey soo galinayaan Internetka waxaa had iyo jeer cabasho ka taagantahay Haweenka Somaliyed oo Muqaalo kala duwan laga hayo iyagoo rag ajanabi ka ah isku hor qaawinaya waana Dhaqan xun uuna Eebe raali ka ahyn marka hadalkeyga waxan ku soo koobayaa walaalaha Muslimiinta ahooow Ogsoonoow in Aakhiro Xisaaaaab ku sugeyso.

Shabakada Alcarabiya  Codka Bulshada Somaliyed waxay faaafineysaa wacyi galinta iyo baraaarujinta Bahda Soomaaliyeed ee aanan Nasiibka uyeelan in ey ku raaxeestaan Dalkooda hooyo  Shabakadani waxay idin soo Gudbineysaa Barnaamijyo kal duwan waxayna Jeceshahay iney noqdaaan dadkeedu kuwa Wax bartay , Waadna ku Mahadsantahay sida wacan ood Qoraalkan qiimaha badan u aqrisatay .

Abdulfatah Ali Samatar Sablale

Cape Town, South Afrika

sablale@hotmail.com

3 Comments

  1. subxaana allah aniga aragtidayda waxaan u arkaa in laba dumar oo si qaldan isugu tagay dhan walba waan garan karnaa cilmiyan diiniyan in ay xaraam tahay balse wax micno weyn ma sameeynayaan aan ka ahayn dembi allah ay ka galayaan iyo dulinimo cadaab aduun iyo aaqiro waxaan kula talin lahaa imaankii baa ka tagay allah ha soo hanuuniyo gabdhaas qiimha badan ee walaalaheena soomaliyeed jzkl

    ReplyDelete
  2. firaaqada badan, iyo qofka aan diinta aqoonin waxey keentaa in uu qofka ku taraaraxo wax yaaalo badan,dhaqankaan soomaali caado uma laha, waa dhaqan fasaad oo reer galbeyd wato,,,,diin ahaana waa danbi,,, ee allah ha lootoobadkeeno,

    ReplyDelete
  3. Runti waa wax igucusub.plz give more details about that,

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post