Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda

Waxaa jira daawooyin badan oo loo sameeyay ganacsi ahaan oo aan la ansixin isticmaalkooda wadama badanna ka mamnuuc ah oo la yiraahdo waxaa loo adeegsadaa in naasaha lagu weyneeyo, ama lagu yareeyo ama cawradu lagu yareeyo.

Daawooyinkaas waxay leeyihiin dhibaato weyn maxaa yeelay qaabka ay u shaqaynayaan ayaa ah in unugyada meelahaas ay barariyaan si markii barar u galo ugu muuqdaan in uu weynaaday ama cariiriyoobay.

Waxaa kaloo jiro daawooyinka ka hortagga uurka, kuwa ay ku jiraan hormoonka estrgoen-ka iyo daawada niyad jabka oo kulligoodba loogu talagalay in si qalad ah loogu adeegsado arrimahaas maadaama daawooyinkaas uu ku jiro hormoonka esterogen.

Waxaa hubaal ah daawo walba oo loo adeegsado wax ka badalidda abuuristii eebbe iyo dabeecaddii jirka biniaadamka wax dhib aan ahayn ha ka sugin taasi waa mid caafimaad ahaan la xaqiijiyay.

Jirka qaabka eebbe u sameeyay iyo sida uu u shaqeeyo qof biniaadan ah awood uma lahan inuu wax ka baddalo.
SomaliDoc
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post