Markaan Guursaday ayaan ogaaday inay garoob tahay

Magaalada Qaahira ayaa waxaa kunool Soomaali aad u tiro badan waxaana jirta in ay dhacdo inay soo gaaraan odayaal guurdoon ah oo isfahanwaa soo dhex maray xaasaskoodii ay ku qabeen Yurub iyo Mareykanka ama kuwo aan waliba salaamin naag mar marna kusheegayaan inay dalkii kasoo tageen 20 sano kahor intaasna ay ku mashquulsanaayeen aduun balse markii ay madaxooda ka arkeen cirro waxey go'aan sadeen inay soo aadaan dalka Masar si ay usoo helaan gabar yar oo wax baratay ama gabar asluubta Soomaalida iyo iyo Diinteedii ku ad adag salse qisadan ayaa ka duwan kuwii hore.

Xuseen oo ah odaygan Soomaaliyeed ayaa ka yimid Dalka Ingiriiska si uu u guursado Gabar yar waxuuna la kulmay Qof aad u qurxoon taasoo aragtidiisii ugu horeysay Xuseen usoo jiidatay sidii birqabatada oo kale waxuuna sheegay inuu doonay inuu dhulka kusi daayo Shaah uu markaas cabayay sida uu ula dhacay awgeed, waxuuna islamarkii ka codsaday dhalinyaro la fadhiday inay Isbaraan asga iyo qofkaan aragtidada hore ku dhaawacday waxeyna suurto galiyeen Dhalinyaradii inay wada kulansiiyaan Xuseen iyo Qofkaan uu jeclaaday sida uu noo sheegay.

Markii aan isbaranay waxaan kala kulmay soo dhaweyn diiran, dabeecad wanaagsan, niyad sami aan la heli karin, waxaana intaas ii sii dheereed sida aan ugu qanacsanaa ayuu yiri anigoo ku fekerayay inaan helay Haweeneydii iigu qurxoneeyd aan helay waligey maadaama aan carigii aan ka imid kusoo arkin qofkan ruux la mid ah ayuu yiri Xuseen oo markaas ka muuqatay inuu ka careysnaa waxii uu la kulmay.
Wararka la xiriira

Waxaan bilawnay wada hadal Romance iyo qorfeyn dheer sameyna waxaan wada soconay muddo 2 isbuuc ah waxaana u sheegay inaan ahay qof aan sii joogi karin Qaahira oo aan ahay ruux ay ka dhaceyso Howl ama Shaqo sidas darteed aan Guda galno wejiga kale ee nolosha maadaama aan noqonay dad isfahma oo aynu Guri galno aana ka dhigano isla isbuucan wayna igu raacday racalisadeydii ayuu Yiri Xuseen waxaana aad ii caawiyay dhalinyaradii ayagu igu leymiyay qofka, waxaana la xiriiray Qoyskeeda sida Aabahii dhalay Iinanta iyo Hooyadeed oo Joogay Muqdisho waxaana u diray sidii caadada aheyd Xoogaagii aan gabadha ku doonanayay balse iima aysan sheegin inay gabadhoodu hore usoo guursatay oo waxey iila dhaqmeen sida inaan ahay qofka ugu horeeya ee guursanayay Curudkooda inanta ah.

Damaashaad iyo dalxiis aan ku tagnay magaalada Alexanderia oo iyado xeeb ah una jirta 4 saac Magaalada Qaahira waxaana sida lagu yaqiinay Aroos guda galnay gurigeenii aan ka kareysanay meel xeebta u jirta 20 mitir anigoo niyadeeda noqotay inaan ku noolahay ama aan helay farxaddii aaduunka waxaana noo dhacay habeenkii ugu horeeyay gabalka.

Cashadii macaaneyd ee noola keenay kadib abaarahii 10:00 fiidnimo ayaan bilaawnay Kaftan, Gadgadoon, xanta xanteyn iyo shumis kadib waxaan guda galnay jawigii caadiga ahaa eed dhaqanka waxaana 30 daqiiqo oo ka macaan intii aan soo noolaa oo dhan kadib waxaan ku tagay meeshii wel welka yar iga haystay ee aheyd tollow sidaad Miraayada u jabin doontaa laakiin sidaan filaayay ma aysan noqone waxaan la kulmay waddo iska furan iyo inay tahay ruux hore usoo maray guur isla meeshii ayaana korontadii iiga tagtay waxaana isweydiiyayay isla daqiiqaadas su'aalo badan oo ah yaa kaaga hormaray yaa soo aroosay maxey kuugu sheegi waysay iyo kuwa kale oo badan?. ayuu yiri Xuseen oo intaas ku daray inuu ku dhawaaday xaalad suuxtin.

Waxey igu tiri fadlan i cafi Gabar Ma aheyn waxaan ahay Hooyo yar oo hore usoo dhashay 3 caruur ah fadlan ii samar waxaan oo idilna waxaan u sameeyay oo aanan kuugu sheegi waayay waxaan ka baqay inaad igu diido arimaas, waxaan isla markii intaan sare u kacay istaagay daaqadii balakoonka waxaan ku yiri waad i qayaantay waxaan u sheegay inaan ka tagayo anigoo soo abaaray asxaabtii Dhalinyrada waxaana u sheegay inay i sireen oo ay yihiin kuwa Qaa'imiin ah. ayuu yiri Xuseen oo intaas raaciyay inay layaab iyo fajac ku noqotay in markuu guursaday kadib uu ugaaday inay tahay Garoob.

Qisooyinkaan iyo kuwa la mid ah ayaa ka dhaca meelo fara badan balse tani ayaa nagu noqotay mid layaableh waxuuna naga codsaday Ninkii ay ay ku dhacday tani inaan u gudbino SHacbi weynaha Soomaaliyeed.
Muuqaal Online

13 Comments

  1. Anonymous4/09/2011

    Adeer/Adeerrayaal horta nakaa ay sheekadu ku dhacday waa raggii hore, hadalka meeshiisaa loogu tagaaye,(arrinkan oo kale qaawis looga wanaagsan) waxa ay ahayd in inantu isu sheegto iney carbi tahay.Haddii ay iyadu ka xishooto in ay cid kale oo ninka aftaqaanna ay igmato, haddu dhagaxdixeed yahayse iney hadba fartuu yaqaan wax loogus sheego ayey ahayd.

    ReplyDelete
  2. Anonymous4/09/2011

    Horta in odayga la magacaabo maaha, hadday dhacdayse Hussein adeer sheekada inaad kor u qaado mey ahayn inaad jugtaada qarsato ayey ahaayd. waayo hablu waa fictum waa hilib bisil hilib bisilna qudhaanjaa cunta. markaa habla rag ayuunbaa xumeeya inani iyadu iskama xumaato. immikana wallka arrinka ka saara waa wax foolxune.
    kolley qaarbaa odhanaya kan geela ahai xaggu ka yimid .

    ReplyDelete
  3. Runsheeg dumar4/10/2011

    Tolow maxaa kukalifay iney qariso iney guur soo martay ilmo iney dhashay miyay u aragtay gef ma waxaa la fududaatay iney kalsooni daro abuurto tolow mawaxey istiri hadaad runta sheegto kuguma qaadan doono waxa aatahay khaladka saa uweyn ma waxaa ugeeyay dibad jaceyl.siwalboo ay ahaataba waxey dhaawacday qalbi aaminay.waxey muujisay ineysan isku kalsooneyn walaashey mawaxey moogtahay in dumar dhalay 7ciyaala lagu qaato waliba lasiiyo jaceyl iyo farxad aysan kahelin key todobada udhashey qofku waa inuu isku kalsoonyahay runtana aadan katagin allaah tala saaro adna is aamin waxad heleysaa mid kugu jecel waxa aatahay kuuga yeera magacyo fara badan kusiiya kalsooni iyo farxadaan dhamaan aadna ku ilowdo wixii kusoomaray.Rag iyo Dumarba waxan leeyahay runta isu sheega oo is aamina dhinac walbana ha xasuusnaado hadalkaan yaree macnaha weyn xambaarsan WiilKaada Habeen ayuu hiil kaaga baahanyay waa habeenkaad hooyadii dooneyso. Hadaba cunugaada udoor hooyo.

    ReplyDelete
  4. Anonymous4/10/2011

    walaakey sida u ajirka badan waxay ahayd inuu alle dartii u cafiyo hadii ay qalad gashay ooay ka qarisay hadana ay u noqoneyso marwo wanaagsna , ilaahey waxaa laga yaabay inuu ugu dambi dhaafi labadoodana faraj khayr qaba isaga dhigo , mida kale hadii uu goaanku gaaray maahayn inuu baahiyo arintan ee waxaya hayd inuu si hoose u dhameeyo howlaha .

    ReplyDelete
  5. wa idin salamay dhamaantiin salaan kadib gabartani walashena ah arinka ay samesay ma habonen balse laga yaabo in ay daruuf ku kaliftay haba ku kaliftee su'al aya mesha ku jirta markan si u fiirshay su'asha o ah}] asiga maweydiiyay marki ay wada hasaabayeen misa dhahay walaey gabr ma tahay ama garoob taasina ceeb malahan wa wax la isweeydiiyo marka guri la dhisi rabo ama aas aas lawado marku hadu weydiiyay o aysan ushegin ayada qalad weyn samesay talowna mashegi karno sawabta ku kaliftay arinkaas fowsha xun leh anyway ma ahen in asi sas u galo marba hadey tahay qof u ka helay u lafajacay go'ankisa u aha in u nolosha laqebsado in u usabro ayey ahet allah aya aga abal gudi laha ilen allah ayadiis qurankiisa wuxu ku yiri]watabsow bisabri watasow bil xaqi@ marka garobnimo mahan wax ceb ah ama fawaxisha ahi nabigeebana (scw) wuxu ku bilabay garoob ayna lashegay garoobka marka allah allaha mahada leh arinkani wa mid dabiici ahi sabar aya lo bahnaa gabdhaha somaliyeed ila sidu dalkeena ubur buray dhibatoyin badan aya laso daristay o an so koobid lahen gabadhaasi madhihi kari qayaano ayey usamesay arinkaas sida an kaderamyo waxe islaheet raga gogosha ayey ku jicanyihiin gogosha kaga jaahil bixi naftana lwadaag wabilahi towfiiq koleyto allaha og wax walbo aniga halahas ayan ugu so dhiibtay qoraalkega hadaan qaldamayna cafwan allah amarkii wcs

    ReplyDelete
  6. Dood wadaag4/11/2011

    Asc dhammaan

    Horta waxaaba dhici karta iney sheekadani tahay mid la allifay oo aanba dhicin. Haddeybase dhacdey, waxaan la yaabanahay anigu ninka odeyga ah. Wuxuu leeyahay gabdha waan ka helay oo way i qancisey, sidaas ayaanan ku guursadey. Haddaba maxay ku qancisey oo uu ku guursadey. Ma quruxdeeda, akhlaaqdeeda, kartideeda, diinteeda iyo meeshii naag laga rabey mise waxay ku qancisey iney tahay gabar bikra ah? Haddey ku qancisey iney tahay gabar bikra ah oo aan guur hore soo marin, wuu saxsan yahay in markuu ka waayey waxay ku qancisey uu ka tago. Laakiin haddey ku qancisey intaan horey ku soo sheegey wuu khaldan yahay. Ma wuxuu barbardhigey quruxdii, akhlaaqdii, kartidii, diintii iyo intii kale ee gabar lagu guursado ineysan ahayn bikra. Ma halkaas habeen ee uu dillaacinayo xuubkaas khafiifka ah ayuu ka doortay intaan soo sheegey. Haddey saas tahay ninkaasi naag iyo hooyada carruurtiisa ma rabin ee wuxuu rabay inuu ku faano inuu bikra guursadey, oo uu naftiisa ku qanciyo. Hadiibase ay bikra tahay oo uu isagu dilaaciyey xuubka, weligeed ma sii ahaaneysaa bikro. Waa maya. Haddey bikra tahay oo ay noqoto mid dab iyo dhib weligiis la daba taagan oo mishaakil iyo qaylo iyo nolol adag u horseeda, bal ka warran. Maxay u tartay halkii habeen ee uu muujiyey inuu libaax yahay. Yaa salaam. Isaguse ma bikraa? Sida sheekadu leedahay waa odey, malaha weligiis naag ma soo arag.

    War addaan helayo gabadh qurux badan, oo akhlaaq iyo diin leh, reer wanaagsanna ka dhalatay maxaa iga maqan. Haddaan intaas ka helayo oo ay ii noqoneyso marwo wanaagsan oo raaliya ah oo ma wada cabbiri karo sawirka maskaxdeyda ku jiree tilmaantii qoys wanaagsan lagu yaqiiney ka helayo, maxay bakro igala maqan tahay.

    Muxuuse u weydiin waayey iney horey u soo guursatey iyo in kale haddey bikradu la weyn tahay. Immisaase iyagoon soo guursan aan bikro ahayn. Haddey ku tiraahdo weligey la ima soo guursan oo ay runteed tahay, uuse arko meeshii oo furan, muxuu sameyn lahaa.

    Waan ku dheeraadey ee ha la iga raali noqdo, waxaanse la yaabay ninkan odeyga ah siduu u fikirey iyo qiimaha ay bikradu ugu fadhido ee aysan ugu fadhiyin tilmaamaha wanaagsan ee gabadh lagu doorto. Kolley wuxuu iila muuqdaa odayaashii hore oo waxoogaa lacag ah ka sameeyey Yurub, use fikiraya sidii awoowyaashanno.

    Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  7. oday duq ah ayadaa isu jabisay, ilaahay awlaad buu kumanaystay, quruxna wuu siiyey sidaan sheekada ka fahmay. marka umaysan baahnayn in ay ilmaheeda qariso waxkastoo dhaca. awlaadu ciyaar ma gasho dadbaa meel ay umaraan waayey waan ka xumahay in ay shaqsiyadeeda iyo sharafteeda ku ciyaarto!!!awlaadeeda ilaahay siiyeyna qalbiga kajabiso.!! aduunku wuu hormaray gabadh bikra ah cidi marabto. anigu shaqsi baan ohooo anigu meel aan kuraaxaysto oo xalaal ii ah baan rabaa laakiin marabo gabar aan ku dhibtooto oo aan kaga oohiyo anna aan ku rafaado marabo, dadku isku dookh ma ahan dumarka bikrada ah ma jecli, mana goorsan doono gabar bikra ah. odayguna wuxuu rabay inuu gabadha ubaala xoofteeyo!! oo uu iskadhigo nin khatar ah markuu meesha wax ku cancamiyo.wuxuuna gabadha isu yiri cay garoob uga dhig meeshuusan waxba ku hayn!!!!!!!!!!! cancamintiina waa ushaqayn wayday. marka ader xuseen, meesha raganimo ama cadkii ninka ragga ah lagu yaqiin meesha kuma hayside orodoo camal yeelo, waxba gabdhaha haku wareegin hadaadan meesha wax ku hayn

    ReplyDelete
  8. Anonymous7/11/2011

    SubxaanaLaah CazawajaLoow Ceebteena Astur WaLee SoomaaLi Sidaane Ma U danbeeysay heedhe Alleh HaLaga cabsado kuwaan is guursaday waa isma dhaanto iyo dhasheed Markuuse Eedeeynaayo WaaLidka Ma WaaLid Baa Ka sheekeeyo AwLaadiisa SubxaanaLaah WaaLidka ILmahiisa wuxuu Ukeeno Buu AqbaLaa Mana Ka FaaLoodo .. Odeyguna wuxuu ILaabay In Gabar Iyo Garoob carmaL intabo Laga dhiibo Sooryo iyo Yarad Oo Taas Kuma Xerno Bikro KaLiya ee Dumarka Allaah Siiyay Qiimo weeyn Aan LaGooyn Karin 4shiLin oo Ku HeLay Marwo wanaagsan iyo Gabar AqLaaq Leh Maaha inuu CaaLamka Dhan Ogeeysiiyo .. HADALka Kuma sii Dheeraaanaayo Ee Hadaan QaLdamey HaLeeyga RaaLi Noqdo ILeen Ma QaLdame Waa Allaah Subxaanahu WatacaaLaa WabiLaahi TowfiiQ Wsc..Wrx..Wbr

    ReplyDelete
  9. Anonymous7/19/2011

    WAAD WAAD MAHADSAN TAHIIN SIDUU QOF WALBO UU UGU DHIIBTAY FIKRADIISA ARINKAA LAKIIN ANIGA LAMA YAABO GABAR SOO GUURSATAY OO ALLANA UBUD SOO SIIYEY QOFTAANI WAA QOF FIICAN LAKIIN WAXAA LA YAAB MUDAN OO LOO BAAHAN YAHAY IN LOOGA DIGO RAGA GABDHAHA ISKA SOO BAASHALA SHARAFTOODANA MEYLO CIDLO AH KU SOO BURBURIYA AMAM BEEN BEEN LOOGA QAATAY MACAAN YARAHEEDA OO HADAN SHEEGATO IN AY YAHIIN GABAR OO ISA SOO FARSAMEYSA AMABA UMULISO U TAGTO OO ISA SOO TOSHO SIDII MARADII SOW KAMA DARNA WALAALAYAAL TAASINA WAA ARIN JIRA OO DHAB AH

    ReplyDelete
  10. Anonymous9/10/2011

    asc horta gabadhu inay qariso maahayn inay reer soo martay oo ay ubad leedahay haday se dhacday waxay ahayd markuu ogaaday inuu iska sabro sobobo badan owgood mar xaga ilaahay ayuu ajir ka helayaa marka 2baadna dunidan maanta maba jiro waxa u raadinaya haduu jirana waa macduun sidaa awdeed mar haday gabadho aragti ahaan ku cajbisay wixii xaraka ahna ayagaa isku haya lakin inuu intaas ku noco may ahayn

    ReplyDelete
  11. Anonymous2/13/2012

    Waxaas oo kale meel walba waa ka dhacaan, oo anigan idin la hadlaya way igu dhacday balse may ahayn mid guur soo martaye,niman ayay la soo sexatay.balse samir ayaan ku dhafay maxaan samayn lahaa

    ReplyDelete
  12. Anonymous8/06/2012

    Astaamaha u dhexeey waa maxay

    ReplyDelete
  13. Anonymous8/08/2012

    Ma Edebta Ayaan Baraa, Mise Edeb-Darrada Ayaan Ka Bartaa?

    Subax walba wuxu istaagi jiray dabakaayo lagu iibiyo jaraa’idka si uu u iibsado jaraa’idka uu jecel yahay. Wuxu subax walba salaami jiray ninka daba-kaayada haysta, laakiin ninkaasi kamuu qaadi jirin salaanta!

    Dhawr aroorood markii uu sidaasi ahaa, nin kale ayaa qabtay oo ku yidhi: “Muddo dhowr maalmood ah ayaan ku arkayay adiga oo salaamaya ninka daba-kaayada haysta isaguna aanu salaanta kaa qaadayn, ee maxaa kugu kallifayay inaad ninkaasi salaantid?”

    Ninkii ayaa ugu jawaabay: “Maxaa dhibaato ah haddii aan salaamo?”

    Ninkii ayaa waydiiyey: “Miyuu kaa qaaday salaanta maalmihii hore oo dhan?”

    Ninkii hore ayaa ugu jawaabay: “Maya.”

    Ninkii ayaa waydiiyey: “Haddaba maxaad u salaamaysaa?”

    Ninkii ayaa yidhi: “Maxaad u malaynaysaa sababta ka hor taagan inuu salaanta iga qaado.

    Ninkii ayaa ugu jawaabay: “Waxaan is leeyahay waa nin akhlaaq xun oo aan istaahilin in la salaamo.”

    Ninkii ayaa ku yidhi: “Haddaba ma waxa aad iga doonaysaa inaan edaabta baro mise inaan ebad darrada ka barto.”

    Ninkii wuxu la yaabay su’aashan! Muddo ayuu aamusnaa, dabadeed-na wuxuu yidhi: “Waar ninkani waa nin akhlaaq daran.”

    Dabadeed ninkii ayaa mar labaad su’aasha ku celiyey, wuxuna yidhi: “Ma waxa aad iga doonaysaa in aan edaabta baro, mise in aan edaab darrada ka barto?”!

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post