Haweenka maxay ka xanaaqaan

Daraasad la sameeyay dhowaantan ayaa waxa ay sheegtay in waxyaabaha haweenka ka careysiiya ee ragga ay ku dhaqaaqaan ay ka mid tahay:

1) Luminta dareenka jaceyl
Ninka ayaa waxa uu ku soo daahayaa daawashada tartamada kubadda cagta ah , iyadoo inta badan uu ka soo dib dhaco inuu la casho qaato xaaskiisa, waxaana gurigiisa uu kula dhaqmayaa sidii hotel jiif loo yimaado oo qura , laguna qaabilo saaxiibada iyo qaraabada.
2) ka meer meerida fulinta balamada.
haweenka ayaa inta badan ku cataaba in nimanku ay ku been badan yihiin dhanka balanta oo aaney fulineen marnaba , inkastoo ay yar yihiin kuwa fuliya wacadka ay qaadaan , waxaana haweenku ay jecel yihiin in la xasuusiyo maalmo ku qurux badan nolosheeda sida habeenkii ugu horeysay ee aqal-galka iyo kulamo kale oo taariikh leh.
3) codka foorida iyo quurada .
Haweenku waxa ay neceb yihiin codka nooca foorida leh ee laga naxo ama codka quurada oo habeenkii kolkii la seexdo deriska xitaa ay quurada ninkeeda ku soo toosaan , taasoo ay u aragto wax dhib u keenaya nolosheeda .
4) diidmo laga muujiyo wada socoshada xilliyada muhiim-ka.
Qaar ka mid ah haweenka ayaa waxay ka helaan in nimankooda ay u raacaan mararka qaarkood meelaha lagu dalxiiso, maqaayadaha laga cunteeyo, goobaha shoobin-ka laga iibsado, xafladaha iyo meelo kale , waxayna mudada isla socoshada ah ay kordhineysaa kalsoonida ay ninkeeda ku qabto oo ah in haween kale aanu damci Karin oo qof waliba uu ogaanayo inuu ninku yahay xaasle .
5) furiin lama filaan ah .
Haweenku waxay si aad ah uga caroodaan oo ay uga naxaan furiin deg deg oo lagu dhawaaqo, iyadoo aan ka filaneynin ninkeeda oo uu la hortago ama uu u marsiiyo dhambaal qoraal ah
6) Maseyr ( la haasaawida dumar kale)
Haweeneyda waxa ay aad uga carootaa oo miyir dabool ku dhawaataa kolka ay aragto ninkeeda ama saaxiibkeeda oo la taagan gabar kale oo qurux iyo heybad jiidasho leh ama ay ku aragto keydkiisa sawirada sawiro isaga iyo gabdho ay iskula jiraan ama mobeylkiisa gacanta ay ka hesho qoraalo iyo fariimo jaceyl oo hablo ay u soo direen ama kuwa uu isaga i diray.

Diyaariye / Dayib

samaaltv.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post