Naag ninkeeda xujo adag hor dhigtay oo hadddana ka farxisay

Haweeney magaceeda lagu sheegay F. X. oo degan degmada Kaaraan oo Ninkeeda M. I. Naag kale la guursaday ka codsatay in uu iyada furo ama uu Naagta Cusub uu furo.

Ninkii oo ay arrintii ku adkaatay ayaa yiri Adiga caruur ayaad ii haysaa ee waxaan furaa naagta cusub maadaama haddii aan sii qabo ay dhib igu tahay marba haddii aad caruurta igu balihinaysid.

Haweeneydiii ayaa Ninkeeda waxay ku tiri Kuma aaminayo waxaa tahay qof beenlow ah oo haddaba duurka ku guursaday ee haddii aad daacadnimo qabto oo aad furayso aniga horteyda ku dalaaq ee igu hor fur waliba ay I maqlayaan aqiyaar badan oo marqaati ka noqda.

Ninkii ayaa sidii ay xaaskiisa wayn ka codsatay waxa uu soo kaxeeyey haweeneydii yarayd iyo aqiyaartii ay codsatay xaaskiisa si uu ugu hor furo, laakiin markii ay isku yimaadeen ayay xaaskiisa wayn waxay ku tiri.

Marba haddii odaygayga uu codsigayga fuliyey oo gabadhii uu jacaylka ku guursaday in uu furo go'aansaday ayaa waxaan halkan uga cadaynayaa in uu xaaskiisa qabo oo uu u madax banaanaado raali ayaana uga ahay.

Gabadhii ayay sidoo kale u muujiysay farxad iyo walaalnimo waxaana arintii si aad ah ugu farxeen aqiyaartii furiinka marqaatiga ka ahaa iyo duqeeda oo la sheegay in xaaska kale uusan jeclayn in uu furo laakiin caruurtiisa uu u turayay, sidaana arrintii ku soo idlaatay.
waxaa laga soo xigtay  samaaltv.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post