Axad, May 08, 2011 (HOL) – Ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle ayaa xalay gudaha u galay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib dagaal dhexmaray iyaga iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ee ka taliya gobolka, waxayna muddo kooban gacanta ku hayeen saldhigga degmadaas.
Madax warfaafinta maamulka Dooxda Shabeelle Maxamed Nuur Caga-joog oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gubeen gaari dhexyaallay saldhigga ayna sii daayeen maxaabiis ku xiran xabsigaas.
Ma jiro khasaare la arkay oo ka dhashay dagaalkaas, balse Caga-joog ayaa sheegay inay dileen ciidamo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaabn, ayna sii daayeen maxaabiis xabsiga ku xirnaa.
Dagaalka kooban ee ay degmadaas kusoo galeen ciidamada maamulka Dooxda Shabeelle ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, iyadoo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayeen laga maqlayay xaafadaha Baladweyne.
Ciidamadii Dooxada Shabeelle ayaa isla xalay isaga baxay Baladweyne, welina wax war ah oo ku saabsan dagaalkaas kooban kama soo bixin maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka taliya gobolka Hiiraan.
Xaaladda Baladweyne ayaa saakay daggan, mana ahan markii ugu horreysay oo uu dagaal ku dhexmaro gudaha iyo daafaha degmada Baladweyne ciidamada ku sugan deegaanka Kalbayr ee taabacsan maamulkan iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onilne
Beledweyne, Soomaaliya
Hiiraan.com