Waxaa xilliyadii ugu dambeysay dalka Sacuudi Carabiya kusoo badanaayay furiinka u dhaxeeya Soomaalida ku dhaqan dalka Sacuudi Carabiya, iyadoo qul-qulka furiinka uu noqday mid si xowli leh ku soconaaya.
Furiinkaan xowliga leh ayaa waxaa lagu aaneeyay shaqo la’aan baahsan oo heysata ragga Somaliyeed ee ku nool dalka Sacuudi Carabiya, taasoo iyana sabab looga dhigay bilaa sharci oo ay ku jooggaan dalka.
Inta badan ragga bilaa sharciga ah kama shaqeysan karaan gudaha Sacuudi Carabiya, waayo ciidamadda ammaanka ayaa waxay aallaaba ay ku raad joogaan dadka aanu sharciga ku laheyn dalka.
Dumarka ayaa waxay iyagu yihiin kuwo ka fursado badan ragga Somaliyeed ee dalkaasi ku nool, isla-markaana inta badan dumarka ayaa dusha u rita maareynta raggooda, hase ahaatee taasi ayaa waxay noqotay mid sii socon weyday, waana midda soo dedejisa furiinka deg deg ah.
Qaar ka tirsan Soomaalida ku dhaqan dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxay u fiirsadeen furiinka deg deg ah ee u dhaxeeya Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, isla-markaana waxay soo saareyn hal-hees cajiib ah, waxaana weeye “Is Aroositaankii Aan Laga Fiirsan ALLOW Sahal Amuuraha”.
Raga soomaalida ee Sucudi jooga marka ay shukaansanayan haweenka ayay waydiiyaan su,aalaha ah,ma qabtaa guri?jiif makuu yaallaa iyadoo dalka Boqortooyada ee Sucudia habeenka Jimcaha loogu yaqaano Aleylul raaxo, oo ah habeenka shukaansiga ama baashaalka,
Iskusoo wada-duuboo dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka soconaaya furiin si xoog leh ku soconaaya, iyadoo ay barbar-socoto guurka qudbasirada ah “qarsoodiga ah” ee u dhaxeeya Somalida ku dhaqan dalka Boqortooyada ee Sacuudi Carabiya