Axad, May 08, 2011 (HOL) – Dhaqdhaaqayo ciidan oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka taagan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasoo dagaal khasaare badan dhaliyay uu toddobaadkii hore labadan dhinac ku dhexmaray.
Degmada Garbahaarey ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ee iskaashiga uu kala dhexeeyo, iyadoo sarkaal u hadlay dowladdu ay sheegeen in dhaqdhaqaaqyada ciidan la dareemayo maanta.
"Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Gabahaarey waxay ku jiraan heegan si ay isaga difaacaan weerar laga yaabo inay kaga yimaado Al-shabaab," ayuu yiri taliyaha ciidamada DKMG ah ee gobolka Gedo Jamaal Xasan.
Taliyaha ciidamada DKMG ah ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay uga baxeen deegaanka Buusaar xeelad dagaal balse ay ka go'an tahay inay dib ugu laabtaan, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo la wareegitaanka ay Xarrakatul Shabaab la wareegtay deegaankaas.
Gurmadyo u kala socda DKMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay gaarayaan degmada Garbahaarey halkaasoo dagaallo culus ay todobaadkii hore ku dhexmareen labadan dhinac, kuwaasoo dhaliyay khasaare fara badan.
Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo ayaa sheegay inay sidoo kale ay ka jiraan xiisado colaadeed oo u dhexeeya DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya
Hiiraan.com