Erayga Ifur Aan Qalbiga Jirin Imisa Qoys Ayaa Umaqan??

Erayga Ifur Aan Qalbiga Jirin Imisa Qoys Ayaa Umaqan??

Marka hore aaan idin xasuusiyo hadalo kooban intaanan gudo gelin qormadeena, hadaad aragto adoo lamaanahaada iloobayo oo nacayo agjoogii aad jeclaan jirtay inaad mar walbo agjoogto.

ma isweeydiisay waxa keenay sababahaas aaan kuu bidhaamiyee ogoow qofka waxaaad naceysaa marka aad eegto oo keliya meelaha dhaqamadiisa kaxunyihiin. inkastoo qof dhaqamadisa dhameystiran uusan jirin.

Hadane markaad meelihii uu kuwanaagsanaaa aad niyadaada kasaarto waxaa imaanayo inaad qofkaas naceysid marka weligaa lamaanahaga meelaha uu ka liito ha ufiirin ee weligaa dhaqamada wanaagsan keliya kuxasuusnoow hatixraaacin xumaanta yeeysan taaban qalbigaage.

Hadii aad wanaaga aad fiiriso waxaa imaanayo inaad qofkaas jaceylkiisa iyo amaanta aad amaaneysid qalbigaaga kuweynaato.

Wanaagana iyo xumaantana inaa abuuri kartid ogoow. Qormadeena maantay aan usoo dhaadhaco.

Waxaad arkeeysaa qoys mudo dhisnaaa oo si sahal ah ku kala tagay iyo qoys dhibaato xun haaysato ayagoo aan kala tegin. Waloow la eedeeyo waqtiga iyo calafkeenaa dhamaaday. Taaa kaduwan sida aan ufasiranay maadaama aay jiraan dhalinta sanadkan sahal in lagu kala tago.

Sababaha qofka dumarka ah kakeeni karo ifur waa maxay? Dhowr siyaabood aye ku imaaan kartaaa ayada oo kaa maarmin oo zaaid kujeceyl aye kuleedahay ifur.

waayaaab waxa keenayo aan kuubidhaamiyee waa adoo kagaabsaday ama dan kale ugu mashquulay ama oo ay kutusayaan markaas inaad ilowday aad dhankooda kajeesatay raga qaar ayaa ifurtaas uqaatay iney xaaskooda nacday oo sidaa qoyskoodii kuburburay.

Ragoow ogaada dumarkiina waxey jaceyl yihiin ayaga uun in loo jabnaado. Ninka raga ahna waa ninka xaaskiisa ujabnaado wax weliba kacaawiyo guriga lanadiifiyo howlaha kacaawiyo. raga qaar baa aaminsan iney ceebtahay xaaska oo gurka latirtiro ama laga caawiyo shaqada jikada.

Ogow waa nacasnimo oo muhiimada waa in leys wada caawiyaaa. Dardaarankeenu waa inaan ifur aan kudagdagin waxaana dhihi karaa furiinka badan waxaa keenay waayahaan. Arintaas oo raga qaar kudagdagaaan inkastoo dhowr siyaabood kale aay jiraaan hadan kama marno in dumarka markee ifur dhahaan raga qaar aay ayagana si deg deg ah kufuraan.

Qoysaskeena somaliyed oo hadda jirana waxaa burburiyo is afgaranwaa yar oo aan micno badan laheyn. Xal wanaagsan haloo raadiyo furiin xal ma u ahaneee. waana dhibaatada badisay furiinka badan. Ragoow diktoonaadaada. Waxaaan idinka tagayaaa xikmad gaaban oo ah.

Dhalinyarada waayanahan dumar wey kugu dhibaan hadii loo dhaafana madhaqan karaaan. Insha allah qormada xigto waxey noqon doontaa madooneysaa in qoyskaaga baraaro kuwaaro aad isku soo xiistaan sikin walbo qormadeena xigto lasoco.

Dhamaad.

W/D Ibrahim ali abdi {kalafoge}

Lovewithpromise143@hotmail.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post