Khasaaraha ka dhashay dagaallo iyo duqeymo xooggan oo gabal-dhicii shalay ka dhacay Muqdisho oo kordhay

Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay dagaallo iyo duqeymo shalay gallinkii dambe ku dhexmaray Muqdisho ciidamada DKMG, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ayaa sare u sii kacaya, iyadoo ay dhimashadu marayso 16-qof, halka dhaawucu uu gaaray 74-qof.
Madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho Cali Muuse Sheekh ayaa u xaqiijiyay saxaafadda inay qaadeen ugu yaraan 60-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba kuwaasoo isugu jiray qaybaha bulshada.
"Waxay gaadiidkeennu qaadeen in ka badan 60-qof oo ay dhaawacyo kasoo gaareen madaafiic iyo rasaas ku dhacday suuqa Bakaaraha, intii aan howsha wadnayna waxaan aragnay dhimashada dad badan," ayuu yiri Cali Muuse.
Sidoo kale, gacanta loo fidiyay dadkan dhaawacmay ayaa waxaa qayb ka ahayd Xarrakatul Shabaab oo gaadiidkeeda gargaarka deg-degga ah ku qaaday dadkii ku dhaawacmay u qaaday isbitaalka Dayniile ee duleedka Muqdisho.
Madaafiicda oo ahayd mid ka imaanaysay dhinaca saldhigyada ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa waxay ku dhaceen qaybaha kala duwan ee suuqaas, waxaana intooda badan ay ku dhaceen qaybta sarifka lacagaha iyo waddada shirkadaha.
Waaliga Xarrakatul Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in mid ka mid ah madaafiicda ku dhacay suuqa uu gubay qayb ka mid ah, ayna ku guuleysteen shacabka iyo xoogagga Al-shabaab inay dambiyaan dabkaas.
"Ciidamada shisheeye waxay madaafiic ku dhufteen qaybta badarka ee Bakaaraha kuwaasoo gestay gubasho, ujeeddadu waxay ahayd in suuqa intiisa badan la gubo, balse dadaal aan sameynay ayaan ku daminay dabka," ayuu yiri Sheekh Max'ed Cumar.
Lama oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas iyo duqeymaha barbar socday, waxaana dagaalkii shalay gallinkii dambe dhacay uu ahaa midkii ugu khasaaro badnaa dagaallada muddada halka toddobaad ah dhinacyadan ku dhex-maraya Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post