Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka digay Qurbo-joogta iyo maamul goboleedyada la dhisayo

Mudane ka tisran baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay maamul goboleedyada kusoo badanaya dalka inay yihiin kuwo liddi ku ah Qarannimada Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sheegay in Qurbo-joogta Soomaalida ah ee dalka kusoo laabanaya ay yihiin kuwo u adeegaya shisheeye.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ahaa wasiirkii beeraha ee xukuumaddii Sharma'arke ayaa sheegay isagoo u warramayay warbaahinta Soomaalida in isaga ay ula muuqato in maamul goboleedyada soo badanay ay yihiin kuwo ay wataan dad qurbo joog ah ayna uga gol-leeyihiin inay ku burburiyaan jirtaanka Qaranka.
"Qurbo-joogta waa dad cadow ah... waana in lala dagaalamo... waxaana shacabka ugu baaqayaa inay ka digtoonaadaan," ayuu yiri Xaabsade, isagoo sheegay inay ku mashquulsan yihiin dhismaha maamul goboleedyo ay dalka ku kala qaybinayaan.
Xildhibaan Xaabsade ayaa horay uga mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray, isagoo sheegay in qurbo-joogta Soomaalida ee dalka kusoo laabanaya isla markaana dhisanaya maamul goboleedyada ay yihiin kuwo doonaya inay masaxaan dhibaatadii ay iyagu dalka kasoo mareen.
"Waa la ogyahay wixii naga raacay dalkan, aniga iyo Muuse Suudi rag uu ka mid yahay waan ku indho-beelnay," ayuu yiri Xaabsade oo sheegay inuusan aqbalayn in jirtaanka dalka iyo midnadiisa ay dhibaateeyaan dad dibadaha dalka kasoo laabanaya.

Qurba-joogta Soomaalida ayaa sannadihii ugu dambeeyay dib ugu soo laabanayay dalka iyagoo madax ka noqday maamul goboleedyada looga dhawaaqay gudaha iyo dibadda dalka, sidoo kalena qayb-weyn ku leh hoggaanka xukuumadda KMG ah ee hadda jirta.
Xildhibaan Xaabsade ayaa hadalkiisan wuxuu noqonayaa eedeyntii ugu cuslayd ee loo jeediyo qurbo-joogta Soomaalida ee go'aansaday inay dalka kusoo laabtaan oo ayna ku sameystaan maalgashi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post