Naag Laba Nin Isla Mehersatay Oo Garteeda Loo Fadhiyo (Qiso Qosol badan)

Gabar Soomaali ah oo dalka soo gashay ciyaaraha aduunka ka dib 2010-kii ayaa jebisay Rikoor horey u yaalay dalka taasi oo sameysay gabar soomaali ah oo jaad gadi jirtay.

Arinta hadda jirta ayaa ah in haweeney ay isla guursatay laba nin mid kale kula balantay in ay aqal galayaan bisha juun ee fooda nagu soo heysa.

Labada nin ay mehersatay ayaa ah wiilal saaxiibo ah kuwasi oo si kala duduwan ay lacag ugu qaadatay iyadoo war gelisay midba midka kale in uu cidna u sheegin maadaama uu guurka yahay mid qarsoodi ah.

balse labadii saaxiib oo sidoo u qarinayay malaha buuxsatay keydka qarinta wararka ayaa midkood la soo hataaqay in uu qabo qoftasi isla markaana uu hadda damacsan yahay in uu guri geysto balse kii wax loo sheegayay ayaa isagane u sheegay in uu qabo qoftaasi.

Arinta ayaa isku badashay kaftan iyo war iska maqli waa iyadoo arinta loo gar dhigtay rag kale oo ehel wadaag ahaayeen iyadoo ilaa hadda go,aan laga gaarin balse maalinta isniinta ayaa xogmaalnews loo sheegay in la balan san yahay isla markaana lagu casuumay goobta shirka culumaa’udiin, odayaal iyo ehelada gabadha iyo labada wiil si loo xaliyo arintani foosha xun leh.

Balse iswaydiinta ayaa noqotay ilaa isniinta ka hor kuma qaba naagta muqaalafada ah iyadoo labada wiil ay cadeysten in ay jecel yihiin xaaskooda
  Xigasho Xogmaalnews.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post