Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta ka furay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose maxkamad lagu kala xukminayo dhulalka iyo beeraha la kala haysto ee gobolkaas ku yaalla, iyadoo ay xafladda furintaanka maxkamaddan ka hadleen mas'uuliyiinta gobolkaas.
Qaaliga guud ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cabdul-xaq ayaa xafladda kaga dhawaaqay furintaanka maxkamaddan, isagoo xusay in maxkamaddan ay shaqeynayso tan iyo inta la kala xukminayo dhulalka la kala haysto.
"Maxkamaddan waxay qaadi doontaa dacwooyinka dhulka la kala haysto oo keliya, sida beeraha, guryaha iyo dhulalka bannaan," ayuu yiri qaaliga guud ee Xarrakatul Shabaaul Mujaahdiiin oo xafladda hadal ku furay.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo ka hadlay xafladda furintaanka maxkamaddan oo loogu magacdaray (Raddul Mudaalim) ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaankeeda.
"Runtii waa mid aad loogu farxo in dadkii la dulmiyay loo gargaaro, kuwii dulmiyayna waxay dulmiyeen laga qaado," ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdalla, waxaana si rasmi ah ay dacwooyinka ku saabsan dhulalka la kala haysto uga billaabanayaan maalinta berri ah.
Ku-xigeenka waaliga gobolka Shabeellada Hoose Sheekh C/qani Abuu-Yaxye oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo guud ahaan maamulka gobolka ay la shaqeyn doonaan maxkamaddan ayna fulin doonaan xukunnada ay riddo.
Shacabkii goobjoogga ka ahaa xafladda furintaanka maxkamadda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan iyagoo ku tilmaamay mid dadka dulman ay ku heli doonaan xaqoodii, maadaama tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 ay jireen dhulal bannaan, guryo iyo beero la kala haysto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online