Sida caloosha loo yareeyo

Dad badan waxay ka sheegtaan calool weyni rag iyo dumarba marka haddii Alle idmo halkan waxaan ku soo gudbinaynaa si dabiici ah oo caloosha loo yarayn karo, marka ugu horraysa intaanan gelin waxaad samaysaa dhowr waxyaalood soo socda:
1- ha cabbin biyo cuntada kahor ama markaad cunaysid, waxaad cabbaysaa biyaha nus saac kaddib markaad wax cunto
2- ka fogow cabitaanka ghaaska wata  sida coca cola iwm.
3- bariiska cunidiisa iska yareey
 ============================================
waxaad ku yarayn kartaa caloosha  waxyaalaha soo socda :
1- shaah cagaaran (green tea)
2- sanjabiil cagaaran
3- qasharka roomaanka oo qallalan
4- geedka naacnaaca cagaaran (inta la kariyo ayaa la cabbaa)

cuntada dufinka badan leh waxaa la rabaa inaad iska ilaaliso

Qurracda
waxaad cabbaysaa hal koob liin bambeelmo kaddib shaa ama qahwo ama liin dhanaan oon sokor lahayn
Qadada
qudaar kala duwan
gabal hilib la dubay ama digaag biyo lagu kariyay ama kalluun duban
Cashada

caano zabaadi (garoor) ama seddex qaaddo fuul oo liin lagu miiray ama gabar rooti

haddii Alle idmo sidan aad ku socoto waxaad ka keenaysaa natiijo fiican waxaan idin rajaynaynaa wanaag iyo guul

10 Comments

  1. Anonymous8/28/2011

    waaxaan kamid ahay raga ka cabanaya caloosha nidaamkaan cunada aad u samey seen ilaa goor mee ayey soconeysaa, teedi kale aniga qof shaqeeyo ayaan ahay gabal hilib ah iyo khudaarna qado iima noqon karto mar ka maxa xal ah calooshiina waa i hor socotaaye.....

    ReplyDelete
  2. waxaad badsataa cabitaanka roomaanka iyo liinta dhanaanka subaxdii iyo habeenkii cab intii karaankaaga iska ilaali cuntada badan

    ReplyDelete
  3. Anonymous8/28/2011

    walaal xumuska af english maxaa lagu dhahaaa sorry su'aashan meesha meen lahayn aad ayad u mahadsantihin

    ReplyDelete
  4. xumuska oo ah حـمـص af engiriska waxaa lagu dhahaa
    Chickpea

    ReplyDelete
  5. Anonymous8/29/2011

    Wad salamantihin bahda RG.lakin akhyarey cuntadan qarked ayaba si waynayn karta sida hilibka digaga o kale wa cunto borotin iyo nafaqo leh.lakin kawarama shaha bigayska ah ama isaga o lin lagu daray ma yareya calosha?Wad salamantihin bahda RG.lakin akhyarey cuntadan qarked ayaba si waynayn karta sida hilibka digaga o kale wa cunto borotin iyo nafaqo leh.lakin kawarama shaha bigayska ah ama isaga o lin lagu daray ma yareya calosha?

    ReplyDelete
  6. Anonymous8/29/2011

    wl wxn ku noolahy soomalia wxn kamida ah dadka dhibtaasi haysato mana heli karo inta badan hilib iyo rumaan e maxn kalee sameen karaa waa mhdsntihiin.

    ReplyDelete
  7. hilibka wuxuu kaa difaacayaa nafaqa darrda ee wax badan ma aha waxyaalahga kale ayaa la dagaalama xeyrta

    ReplyDelete
  8. Anonymous9/03/2011

    walaal dooni maayo in aan caatoobo lkn waxaan rabaah in aan iska yareeyo caloosha un inta kalanah aan ka cayil naado marka soo ma wada caatoobayoh misse waa caloosha kale yah

    ReplyDelete
  9. Anonymous10/20/2015

    Maxaa kawadaa shaah cagaaran
    Malaga helaa somali

    ReplyDelete
  10. Green tea ingiriis ah ama شاي أخضر carabi ah waxaa laga wadaa shaah cagaaran oo laga helo caalamka meel kasta waa shaah aad u fiican ka raadi supermarketyada waaweyn

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post