Ku cibraqaado

Afadu waa gunta dhismaha reerka iyo muraayadda qoyskeeda. Mar walba gafku hal dhinac kama yimaado runna maahan in raggu wada xun yahay ama dumarkuba. Waxaanse waayo-aragnimada ku helay inay habboon tahay in lammaanaha israbaa midba dabciga iyo dhaqanka kan kale ka fiirsado waayo waxaa laga yaabaa in iyadoo labaduba caadi yihiin aysan haddana isla jaanqaadi karin (can not match each other). Waxaan reer lahaa 24 sano waxaan ogaaday sannadkii ugu horreeyayba in aysan afadaydu ila jaanqaadi karin, waxaanse go'aansaday inaan samir weheshado oo eebbe u daayo maamulka arrimaha. Reerkii oo 9 xubnood ka kooban baan la soo maray jid dheer oo qax iyo qaxar badan. Markay carruurtii hanaqaadeen oo aan guri uga gaday meelaha ugu qaalisan magaaladaan joogo oo aan anigiina daalay oo kartidaydii yaraatay bay abbaayo odoyaal iyo habro i dhex fariisisay oo tiri waa gar. Markii la yiri muxuu kuu dhimay? Waxay tiri maalin buu igu xanaaqay oo igu yiri; bax oo guriga ka bax (wallaahi inaanan been sheegayn). Aniga waxaa iga go'naa inaanan waligay furin oo farxaddii aan waayay ay helaan ubadkeennu, iyadii baase la kari waayay ilaa carruurtii inta shirto go'aan ku gaaraan inaan isfurno oo aniga sidaas cadaadis la igu saaray. Maanta dhallinyarannimadii, quruxdii iyo xooggii waa igu yaraadeen wehelkii noloshana ma haysto oo cidlaan yuururaa, kalinimaduna waa wax kharaar badan oo cadaaba. Sidaas darteed, waxaan dhallintu kula talinayaa inay ogaadaan in caqliga qofka eebbe siiyay yahay kan kowaad oo in laga fakaro mudan. Waqtigu wuxuu i baray in waxyaalaha kaloo dhan la hagaajin karo haddii garashada dabiiciga ah fiican tahay. Ogaada macaanka guurku waa wehelnimada iyo saaxiibnimada ee galmada, ubadka iwm waa mar dambe. Qofaan saaxiib fiican noqon karin lammaane guur oo fiican ma noqon karo.
Ceel nin galaa laga wareystaa!

1 Comments

  1. Anonymous9/15/2011

    walaahi wa ariin murugo leh laakin ilaahay ayaan kamagan galeena anaguna midaas waayo runtii waxaanu nahay dalin yaro ubaahan iminka in ay mustaqbalkooda hore umariyaan lamaano macquul ah noloshooda uraadiya balse guurka wax sahlan ma aha walahi markaan aqriyo waxyaaabaha qar ilahow adaan talo kusaaranay

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post