Waxqabadka dumarka soomaaliyeed

Mahad oo dhan Raxmaanka ayeey u sugnaatay. Shaki kuma jiro in haweenka somaaliyeed leeyihiin kaalin ahamiyadeeda leh, doorka wax qabadkooduna muuqdo oo joogto yahay. Weliba marka loo eeg dhanka bini’aadaminimadda iyo daryeelka.
Sida  ay uga damqadaan dhibaatooyinka dhinacyada badan leh ee saamaysay guud ahaanba dadka somaaliyeed.
Waxaa dareenkeeyga si weyn u soo jiiteey anigoo ah muwaadiin had iyo jeer qiimo gaar ahaaneed iyo mudnaanta koowaad siiya wixii dhanka wanaaga iyo wax qabadka ku saabsan, Ururka Haweenka Somaaliyeed ee heer qaran oo caawimo bani’aadaminimo soo gaarsiya dadka dhibaataysan. Gaar ahaan ( Allah kheeyr iyo axsaan ha ka siiyee) jaaliyadda somaaliyeed ee dalka Canadda sooo gudbisay.
Caawintaas oo ay soo gudbisay Marwo Batuulo Sh.Axmed, gudoomiye ku xigeenkii hore ee ururka haweenka soomaaliyeed xiligii dowladii hore, kuna hagaajisay ururka haweenka oo iyaguna si masuuliyad ku jirto, dadnimo ku dheehaan tahay, xilkasnimo iyo amaano leh ku gaarsiiya dadkii loogu talo galay oo ah qoysaska soo barakacay ee ku kala sugan goboladda Sh/Dhexe iyo Hoose oo runtii duruufo adag iyo xaaladda aad u culuus ku sugan. Waana qoysas wata caruur aad u badan Allah ha udaayo hana u gargaae.
Runtii waa arrin farxadeeda leh, garashada wanaagsan eey ay leeyihiin qeybo badan oo ka mid ah jaaliyadaha qurbo joogta somaaliyeed oo isha ku haya dadkooda dhiban iyo dalkooda dayacan.
Ururka haweenka somaaliyeed oo ay hogaamiso marwo Drs Caasha Cumar Geesdiir ayaa mudadii koobneyd ee uu dhisnaa muujiyeey dadaal iyo tallaabooyin qiimahooda leh oo ay ka mid tahay gaarsiinta caawiinta iyo taakuleeynta dadka barakacay, naafadda iyo qoysaska duruufo hayaanba iyo kor u qaadka doorka haweenka. Waxa ayna si muuqata noqdeen kuwo kaalin weyn oo ahamiyadeeda leh kaga jira hawlaha dhinacyada badan ee gargaarka ee xiligan ka socda caasimadda Muqdisho iyo dhamaanba goboladda.
Waxa ayna mudan yihiin amaan iyo bogaadiin. Anigoo si gaar ahaaneed halkan fariir uga gudbinaayaa gudoomiyaha iyo xubnaha golayaaasha Ururka Haweenka Somaaliyeed ee heer qaran in ay gacan ku siiyaan, taageero iyo garab istaagid ah haweenka xildhibaanada ka ah barlamaanka somaaliyeed oo wada olollaha xaq soo dhacsashada saamigooda.
Gunaanadka qormadan waxaan ku guubaabinaayaa guud ahaanba jaaliyadda somaaliyeed ee qurbaha in eey ku dadaalaan taakuleeynta, gargaarka iyo gacan u fidiinta dadkeena ku tabaaleeysan Soomaaliya ama kuwa si xun ugu dayacan dalalka Yeman , Kenya iyo dalka dagaalku ka socdo Liibiya. Walaalayaal is caawintu waa camal kheeyr iyo axsaan weyn leh, abaalkiisana Raxmaanku bixiyo. Dadkeena iyo dalkeenu abaal inagu leh. Markaas aynu ku dadaalno ka warr qabka, taakuleeynta iyo u gargaarka dadkeena ku dhiban  colaadaha, dagaalka joogtada ah iyo abaarta culayska badan.
Alloow gargaarkaaga, raxmaadaada iyo samo bixintaada
Aamiin
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post