Jidka Loo Maro Doorashada Lamaanaha Waara

Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in gabadha muslimada ah afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno:

1- Qurux: Quruxdu inkasta oo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay dumarku ragga u daadiyaan, hadana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn, intay lumiso ayaa ka badan inta ay hagaajiso Waxa la yidhi quruxda keligeed ahi waa sida caleen cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha ku daajisid, kolkeyse daaqaan ay ku balaloodaan.

2- Qoys sharaf leh: Waa wax loo baahan yahay in dad la garanayo oo magac iyo maamuus leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ee yidhi: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye”. Xadiiska oo uu soo saaray ibnu Maajah, micnihiisu waxa weeye dadnimo wanaagga waa la’iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad guursaneysaan amaba u guurineysaan in uu qoys wanaagsan ka dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska oo dhan guursan maysid oo qof baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa in ay qofka aad doonaysaa ay noqon doonto tii lagu nasto ee lagu nagaado, haddaanad akhlaaq iyo diin ka eegin?.

3- Maal: Ninkii gabadh maalkeed “oo qudha” u guursadaa, ma doonayo gabadha ee maalkeeda ayuu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa nin ay iibsatay. Waxa hore loo yidhi: Ninka waxa wanaagsan in uu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo duunyo, si ayna u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso in ay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si aanu u yasin.

4- Diin: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis saxeex ah ku yidhi: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaadh gacmaha ciid gashee). Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa sida ay u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd hinaase, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan.

Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii lagu heli lahaa haweeney afartan sifo ee aynuu soo sheegnay isku darsatay, waxa habboon in awooda la saaro qof diin leh, hadday markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Nicmo korodhay, hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil-Caalamiin.

Haatuf News Hargeisa,Somland

2 Comments

  1. Anonymous2/14/2012

    Ascww Dhamaan waa idin salaamayaa bahda raaxada guurka walaal waxan ahay gabar aan weli guursan ila taliya ninka aan hada jecelahay oo aan rabo in aan is guursano da,da wuxuu iga yaryahay 3sano runtii maal aan ku jeclaadayna ma haysto balse waxan ku jeclaaday waxyaaba badan oo aan aad ugu qancay runtii isaguna waa i jecelyahay ,mark dhib ma ii keeni kataa yaraanta ow iga yaryahy ? waa mahadsantihiin.

    ReplyDelete
  2. haddii uu wanaagsan yahay guurso da'da idin dhexaysa aad bay u yartahay haddii aad ku qanacsantahay maamulkiisa iyo kartidiisa guurso

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post