faa'idada salaadda adduunka qiso yaab badan

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa Waxaa Magaalo Soo Galay Nin Reer Baadiyo ah oo ka yimid Miiga Wuxuu Watay Owr (Rati) ay ugu Rarnaayeen Xoogaa Alaab Ah oo uu Magaalada u Suuq Keenay, Marku Magaalada yimid Suuqa Wuxuu Ahaa Mid Saxmad Badan bo Buuqiisu Badan Yahay, Intu Iska Daba Wareegayay Oo Howshii Suuqa Iyo Mashquulkiisa ku Sii Jeeday Ayaa Waxa la Gaaray Xiligii Salaada Duhur ee Xiligaas, Wuxuuna ahaa Kaligiis oo Cid Kale Lama Socon.

Xiligii Salaada Markii La Gaaray Wuxuu Soo Aaday Dhankii Masaajidka oo Aan Sidaas uga Fogeen Halka uu ku yaalay Suuqa, Wuxuuna Ku Xertay Owrkii Meel Aan ka Fogeyn Masajidka, Owrkana Waxa U Saarna Dhaman Hantidiisa Marka uu Watay Iyo Lacagti Wuxu Suuqa Keenay, Sidoo kale Waxaa u Saarna Raashin Iyo Agab Kala Duwan oo Badan, Balse Halkii Geedka Ahaa Ayuu Ku Xertay, Wuxuuna Aaday Masajidka, Owrka Waxaa ka Qiimo Badan Asiga Iyo Waxa Saaranba Salaada.

Masjidkii Ayuu Galay Wuxuu Isku Diyaariyey Salaadii Wuu Weyso Qaatay, ka dibna Wuxuu galay Safka Hore Masajidka, Wuxuu Fadhiyaba Waxaa La Aqimay Salaadii, Isla Markiina Salaadi Ayaa loo Istaagay, Odaygii Reer Miyiga Ahaana Salaadi Ayuu Dhankiisii ka Galay, Waa Dukaday Waana Duceystay, markuu Ducadii soo Dhameystay ayuu ka soo baxay Masjidkii.

Marku Yimid Geedkii uu Owrka ku Xirtay Owrkiiba ma Joogo, Haddaba ma Nixin, mana Argagixin, wuxuu Celiyay Naftiisa, Wuxuna Dajiyay Qalbigiisa, Haddaba Muxuu Sameyey Markaas ka dib? Wuxu yiri:- Eebow Waxaan Aaday oo soo Gutay Amaanadi Aad Saartay Dusheyda (Salaada), ee Aaway Eebow Amaandi Aan kuu Dhiibtay ee Aan kugu Amaaneystay? Isla Markiiba Waxaa yimid Owrkii oo kaligiisa Socda, Wuxuna ka Qabtay Hogaanka Isagoo Leh:- Dadoow Salaada Ilaaliya, waad Aragtaan iney Waxey ii soo Celisay, Dadoow waxaad Ogaataan Qofkii Wanaajiya Xiriirka Rabi, weligiisa Dhib Arki maayo.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW NAGA YEEL KUWII SALAADA XAFIDA).
W.Q:- Macoow Ustaad.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post