Masayrka ma astaan buu u yahay jacaylka


Masayrka ma astaan buu u yahay jacaylka?

Dadka qaar ayaa aaminsan in masayrku yahay ififaale ama calaamad muujinaysa jacayl Doodoodana waxay ku saleeyaan “qof aan ii masayrayn ima jecla ama ima Danaynayo”   waxaadna marar badan maqlaysaa ereyadaas iyo kuwa kaloo badan Haddaad u dhabo gashid ama aad dhagaysatid goobaha ay da’yartu ku kulmaan.

Dhaqankaas la falqalay quluubteena ayna adagtahay si la nooga tir tiraahi waxay u Muuqataa in uu yahay mi aad wax badani kajirin.

Haddaba waxaa is weydiin mudan waa maxay masayr? maxaa sababa? maxaase Lagu garan karaa ruuxa uu masayrku taabtay, dawadiisuse waa maxay?.

Aynu u guda galno si qoto dheer kana dhugano dhinacyo badan oo baaxad weyn inaga Oo isla markaana isku dayeyna in ayno soo koobno.Masayr: ”waa dareen kulul kaas oo xambaarsan feker iyo dareeno qalafsan oo baqdineed, kalsooni daro iyo ka shakin in ruux waayo ruux agtiisa qiimo ka leh amase uu is leeyahay waa kuu muhiim”Halkaas waxaa kaaga cadaanaysa in jacaylka iyo masyrku ay lug isku leeyihin balse Saamayntaasi aysan ahayn mida dad badani ay amineen, qofkii dhuuxana waxaa usoo Baxaya fikir ka duwan midka uu ka aaminsanyahay xiriirka masayrka iyo jacaylka.

Marka la eego doodii ahayd  ”qofkan waa iga masayraa mawaysan cadaynayn jacayl uu ii qabo” waxaan leeyahay”maya cadayn mayso taas waxay cadaynaysaa kalsooni xumo iyo baqdin uu kaa qabo” masayrkuna  waxa uu ku Jiraa booska cabsida iyo shakiga ee kuma jiro booska jacaylka.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post