naag buu guursaday wuxuu rabaa in dhakhtar u soo furo , dhalinyarta maxaa ku dhacay

Waxa aduunka ku noolnahey ka dhaca mucjisooyin badan oo xagga alle ka timid, waxaan halkan ku soo qaadaneynaa sheeko cajiib ah oo la yaab leh, balse ah wax ka dhici kara aduunka dacaladiisa, inkastoo aysan aheyn wax aynu mar walba maqalno. Waxaa Waqti Media Network la soo xiriirey nin Magaciisa ku sheegay Maxamed waxa oona nooga sheekeeyeye dhibaato isaga iyo xaaskiisa haysata.

Maxamed waa 30 jir, isla markaana ah nin ganacsato  kuna nool qurbaha. Maxamed ayaa markii  hore guursadey gabar qurux badan oo ay ku dareen reerkooda, una dhashey labo caruuru ah. Maadaama la isku darey oo aysan jirin wax jaceel ah oo ay wadaagaan ayaa waxaa danta ku qasabtey in ay kala tagaan dhowr sano kadib, ayna is fureen iyaga oo raali kala ah. Furiinki ka dib Maxamed waxa uu u dhoofey dibada,  xaaskiisi hore iyo caruurtiisiina ku hareen Africa.

Maxamed markii uu qurbaha yimid ayuu wuxuu u qalab qaatey in uu halkaas ka sii wada ganacsigii oo aheyd shaqada uu aqoon gaar ah u leeyehay isaga oo furtey tukaan weyn oo lagu iibiyo dharka iyo qalabyada electronics oo ay ka mid yihiin tvga, cellphones, iyo computarada. Tukaankaas ayaa noqdey mid caan ah, halkaas oo ay badanabaaba Somalida halkaas joogta had iyo jeer wax walba ka iibsan jireen, wuxuuna Maxamed ku lahaaa magac iyo maamuus bulshada Soomlaiyeed dhexdeeda, balse waxaa loogu yeeri jirey naaneys u gaar ah.

Sanadkii markii uu ahaa 2010 bilowgeedii ayaa waxey isbarteen gabar kale oo qurux badan oo magaceydu yahay Fartuun. Fartuun, sida hablaha Somaaliyeed lagu yiqiineyba, waxey aheyd gabar xishood badan, astur badan, cod macaan, socodka gaabisa, kuna darsatey ilka cadeyn ninkii arkaba kadaba dhaca.

Gabdhan ayaa waxey ka mid aheyed dumarka wax ka iibsada tukaanka uu Maxamed ka shaqeeyo. Isla markii uu Maxamed gabadhaas isha ku dhufteyba wuu is hayn waayey, wuxuuna go’aan ku gaarey inuu barto Fartuun inta aan looga hormarin. Wey is barteen, phone number waa la is dhaafsadey, in mudo lix bilood ku dhow ayeyena wada socdeen. Shukaansi dheer iyo isfaham kadib wey is jeclaadeen waxeyna ku soo gabagabeeyeen xiriirkoodii iney is guursadaan iyaga oo dhigety aroos yar oo diinta Islaamka raali ka tahey.

Laakiin Fartuun waxey markey yareyd soo martey gudniinka loo yaqaano fircooniga midkiisa ugu darnaa. Gabadhan oo ku dhalatey tuulo kamid ah Jubbdada hoose ee Soomaaliya ayaa waxaa loo gudey si xun iyada oo taas u soo martey xanuun badan oo bilo socdey, nasiib wanaagse wey caafimaadey inkastoo oo ay weligeedba ka walwaleysey sida loo gudey. Fartuun waxaas uma sheegin Maxamed oo ahaa ninkii ugu horeeyey oo ay la seexatey, oo waxeyba is laheyd waxba ma uu dareemayo oo wax walba waa caadi.

Nasiib daro Maxamed ayaa ogaadey iney wax jiraan isla habeenkii ugu horeeyey ee uu damcey in uu xaaskiisa u galmoodo. Si kasta oo uu isku dayaba wuu awoodi waayey in geedkiisa horey u galo farjigeeda. Muddo 4 saac kabadan ayuu kolba gabadha dhinac ka maraa oo isku dayey bal in uu mar uun horey geedkiisa u galo gudaha. Hase ka yaaabin, oo wuu awoodi waayey oo dhidid badan ayaa wejigiisa ka soo daatey isaga oo is leh “toloow maxaa jira, miyaan howl gabey” Fartuun oo la socota dhibka hasyta miskiin Maxamed ayaa iska seexatey iyada oo iska dhigtey war mooge. Nasiib daro Maxamed ma seexan, oo habeenkii ugu farxada badney ayaa waxey u noqotey habeenkii ugu naxdinata badneyd.

Fikir dheer iyo go’aan badan kadib ayuu Maxamed u
qalab qaatey in uu shaqada ku guuleysto habeenkii labaad isaga oo is leh “war waa caadi in gabdhaha bikrada ah qaarkood ay aad u malaasan yihiin oo aanan ciyaar ciyaar lagu furi karin” Wuxuuse Maxamed noo sheegey in geedkiisa uusan weyneyn oo uu yar yahey balse uu awoodi jirey in uu horey u galo xaaskiisii hore oo iyada laftigeedu bikro aheyd markuu guursadey. Maxamed oo waxba weydiin Fartuun ayaa sariirta lawada aadey isaga oo  wadnaha sida tuug laqabtey u bood boodayaan, kana cabsi in mar labaad ku guul dareysto shaqada.

Shaqadii baa la guda galey, oo halka Fartuun kuba raaxeysaneyso waxa ninkeeda sameynayo maadaama ay sex ku cusub tahey, ayaa Maxamed isagu siddii habeenkii hore oo kale uu kolkba dhinac isku rog rogaa isaga oo siddii qof nafta ka baxeysa neefta tuuraya indhahiisa inuu kala furana diidey. Nasiib daro shaqadii guul daro ayey ku dhamaatey oo in geedkiisa hore u galo iska daaye xitaa biyihiisii baa lagu soo celiyey oo ma jiraan meel ay ka dusaan. Maxamed oo yaaban oo kala garan la’ in waxa uu sameynayo in ay tahey xaqiiq ama filim uu maskaxdiisa ka daawanyo ayaa iska seexdey habeenkaas.

Habeenba habeen ka danbeeya sidey shaqadu u socotey kuna guul dareysaney ayaa waxa uu go’aan ku gaarey in uu xaaska kala sheekeysto sida ay wax u jiraaan. Maadaama uu Maxamed ahaa nin wadaad ah ma uusan jecleyn in uu gabadha lugaheeda kala bixiyo oo uu si fiican bal u arko farjigeeda uuna ogaado waxa meesha ku dahaaran. Balse si kastaba xaalku ha ahaatee Fartuun wey uga sheekeysey wixii ku dhacey iyo sida xun ee loo gudey, kuna soo dhibtootey. Kolkuu sheekadaa maqley ayuu u naxey xaaskiisa isaga oo leh dhib ma leh oo waa alle amarkii.

Hadab sida la ogyahey Soomlida ceeb ayey u tahey oo nin iyo naagtiisa kama sheekeeyaan waxa ay sariirta ku sameeyaan, diinta Islaamkana ma ogola in waxaas laga sheekeeyo, balse runtii markii dhibaato xag caafimaad jirto waa caadi in dadka kugu dhow iyo takhaatiirtaba lala socodsiiyo si arinta wax looga qabto. Balse muddo hal sano ku dhow Maxamed iyo Fartuun wey is qabeen cid ay u sheegeen xitaa reerkooda ma jirin, oo dhaqtar ay aadaana iskaba daa! Fartuun weli siddii bey bikro ama virgin u tahey, Maxamedna geedkiisii wuuba ku daaley minadiisii ama biyihiisiina waxey noqdeen hal bacaad lagu lisey.

Maxamed iyo Fartuun wey isjecel yihiin oo sinaba iney u kala tagaan ma doonayaaan, balse Maxamed wax uu sameeyo wuu garan la’yahey. Waxa uu ku fakirey in uu iska furo una ogolaado iney saaxiibkiisa guursato mudo hal sano ah, kadib markii farjiga loo furo in uu saaxiibkiis iska furo gabdha kadibna ay iksu soo laabtaaan. Fartuun arintaas waxba kama qabto laaakiin marka hore arintaas diinta islaamka maxey ka qabtaaa? Marka labaad ma hubo in saaxiibkii, oo uusan weli u sheegin, in uu arintaas ka aqbalayo in uu furo gabdha kadib markii uu ku guuleysto shaqadii uu Maxamed ku holwgabey. Hadey caruur u dhashana kaba daran oo sinaba u furi maayo dhib la’aan.

Hadaba aqristayaasha sharafata leh, waxa uu Maxamed idinka codsanayaa inta uusan iskafurin ama dhaqtar u tegin, maxaad arintaas ka leedihiin. Marka hore ma maqasheen mase aragteen arintan oo kale in qof Soomaali ah oo ku dhacdey, hadey jirtnan sidey wax looga qabtey. Marka labaad maxey diinta Islaamka ka qabtaa in xaaska mudo gaaban la furo lana siiyo qof kale kadibna ay isku soo laabtaan mar danbe. Hadaba waad mahadsantihiin dhamaantiin waana idinka sugeynaa talo wacan iyo tusaale fiican. macsalaamo dhamaatiin.

3 Comments

  1. Salamaykum Akhii Ruunti Ilahay Mahadi Waxaynu Nahay Dad Islaam Ah Oo Ilahay Siyay Dhaqan Wanagsan Haday Noqto Dhinaca Guurka Iyo Dhinacyada Kale Ee Nolasha Sxb Figis Inad Mariso Hareeraha Farjiga Xaaskaga Ayaa Wanagsan Wayo Wuxu Fur Furaysa Qodabada Ku Xidhan Hadii Ay Surto Gal Noqon Waydo Dakhtar Ha Uu Tagto Ayaan Ku Odhan Laha Mida Kale Sxb Diintenu Ma Ogola Inad U Furto Ariin Ku Sabsan Xaga Raaxada Diintuna Ma Banayn Sharecada Islamkana Way Ka So Horjeeda Guurkuna Maha Sidaad Rabto Ee Waa Sida Ilahay Baneyay Umadisana Uu Rali Kaga Yahay Waa Bilahi Towfiiq

    ReplyDelete
  2. Salaam dhamaan tiin. Walal waa masiibo haysata hablo badan oo Somaaliyeed balse walal waa la furaa oo gabadha maamooyin ayaa usii furi jiray wiilka intaan loo gayn ama aanay galmo ku kulmin, hadii maamooyinka la waaya dhakhtarka ayaa loo tagi karaa oo dhakhtarka ayaaba ka fiican. In laba qof oo isjecel oo isku qanacsani sidan hawsha yar iskuma furan, caqabadanina waa mid fudud oo la xalin karo oo ku siman in dhakhtar ay u tagaan lamaanuhu oo dhibkooda usheegaan, hadii uu ufuro ay arkaan hadii uu diidona ay sameeyaan siday maamooyinka Somaliyeed u furan. Mida kale waa wax aad u xun in aynu diinteenii jaahil ka noqono"WALAAL WAA XARAAN IN NIN XAASKIISA U FURO SI KU MEELGAADH AH ISAGOO MIDKALE KULA HESHIIYAY INUU U HAYO MUDO KADIBNA U FURO OO SOO CESHADO MUDADA AY KU HESHIIYEENKA DIB. WAANA LA NACLADAY LABADA NIN EE SIDAAS SAMEEYA 'XALAL IYO MUXALIL". Gabadha muslimka ah waa qaali oo maaha shay ama maro lakala amaanaysto oo midba mudo soo haysto. waa XARAAN ee ka fogaada. Hadii aydaan ogayn in ay xaraan tahayna waydiiya culimada muslimka ah diintu waxay ka qabto. Salam calaykum

    ReplyDelete
  3. Salaam dhamaan tiin. Walal waa masiibo haysata hablo badan oo Somaaliyeed balse walal waa la furaa oo gabadha maamooyin ayaa usii furi jiray wiilka intaan loo gayn ama aanay galmo ku kulmin, hadii maamooyinka la waaya dhakhtarka ayaa loo tagi karaa oo dhakhtarka ayaaba ka fiican. In laba qof oo isjecel oo isku qanacsani sidan hawsha yar iskuma furan, caqabadanina waa mid fudud oo la xalin karo oo ku siman in dhakhtar ay u tagaan lamaanuhu oo dhibkooda usheegaan, hadii uu ufuro ay arkaan hadii uu diidona ay sameeyaan siday maamooyinka Somaliyeed u furan. Mida kale waa wax aad u xun in aynu diinteenii jaahil ka noqono"WALAAL WAA XARAAN IN NIN XAASKIISA U FURO SI KU MEELGAADH AH ISAGOO MIDKALE KULA HESHIIYAY INUU U HAYO MUDO KADIBNA U FURO OO SOO CESHADO MUDADA AY KU HESHIIYEENKA DIB. WAANA LA NACLADAY LABADA NIN EE SIDAAS SAMEEYA 'XALAL IYO MUXALIL". Gabadha muslimka ah waa qaali oo maaha shay ama maro lakala amaanaysto oo midba mudo soo haysto. waa XARAAN ee ka fogaada. Hadii aydaan ogayn in ay xaraan tahayna waydiiya culimada muslimka ah diintu waxay ka qabto. Salam calaykum

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post