Gabdho Soomaaliyeed shir ku qabtay Magaalada khartuum ee dalka Suudaan

Shir ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen gabdhaha (hooyooyinka) Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan laguna daahfurayey xarun cusub oo lagu barto Quraanka Kariimka ah iyo Diinta Islaamka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan.

magaalada khartuum
Sida uu sheegay masuul ka socday Jamciyadda Quraanka Kariimka ee dalka Suudaan, xaruntan ayaa gashay lambar “1000″ ee xarumaha nooceeda ah ee ka furan dalka Suudaan, waana xarunta nooceeda ah ee ay leeyihiin dad ajaanib ah ee dalka Suudaan abid laga furo waa sida uu masuulkaasi yiriye.

Kulankan daahfurka ah oo ahaa mid aad loo soo agaasimay, ayaa qado-sharaf loogu sameeyey aqoonyahanno iyo masuuliyiin ka kala socday safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, qeybaha bulshada kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan Khartoum iyo masuuliyiiin Suudaan u dhashay oo ka socday Jamciyadda Quraanka Kariim ee dalka Suudaan kuwaasoo sheegay in ay xarunta gacan siin doonaan.

Waxaa goobta hadallo ka jeediyey hooyooyin Soomaaliyeed oo gilgilay qaluubta goobjoogayaashi kulanka ka soo qeybgalay kuwaasoo ay ka muuqatay qiiro waddaniyadeed.

Marwo Jamiilo Qaasin Cariif oo ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee dalka Kanada ka soo guryonoqday oo goobta ka hadashay ayaa ragga Soomaaliyeed ku boorrisay in ay qabyaaladda ka waantoobaan kana shaqeeyaan midnimada ummadda Soomaaliyeed ee dagaallada ay daashadeen.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, Mudane Ibraahim Guure Maxamed ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in midnmada lagu dadaalo wuxuuna ballanqaaday in safaaradda ay hiil iyo hooba xarunta ay gabadhaha Soomaaliyeed sammeeyeen la garab-istaagi doonta. Wuxuu kaloo intaa raaciyey in xarunta ay dhaqanka Soomaaliyeed ee sii lumaya badbaadiso oo afka Soomaaliga laga dhiga maaddo caruurta Soomaaliyeed loo dhiga si ayuu yidhi dhaqanka Soomaaliyeed loo baro da’yarta qurbaha ku haftay.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post