labada isqabada farxaddooda waxay keentaa inay cayilaan

Dad ah cilmi-baaris oo ah  culumo ku taqasustay arimaha bulshada iyo caafimaadka una dhashay Mareykanka waxa ay soo bandhigeen in ay jirto cilaaqaad ka dhaxeeya farxada iyo misaanka oo kordha,Culimadan cilmi baarista sameysay ayaan waxa ay sheegeen in qoysaska is qaba ee ku nool farxada joogtada ah isla markana marwalba aadka isugu dhega nugul in ay yihiin kuwa miisaankoodu aad u kordho, marka loo eego qoysaska qilaafkoodu badan yahay.
Isfahamka iyo jawiga deganaanta ah oo lagu raago iyo in wax walba ay lamaanayaashu isku waafaqaan ayaa sabab u noqota  in labadooduba ay cuntada aad u qaataan, ayagoon waqti iyo xad gaar ah u yeelin. waxa ayna u nugul yihiin in uu siyaado u kordho miisaankooda culeyska ah ayaa lagu sheegay daraasadan cusub.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post