sawiro qaaqaawan ayay soo bandhigaan gabdhaha ku nool qurbaha badankooda maxaa keenay

Internetka wuxuu fududeeyay in dadka ay isbartaan oo ay isu diraan sawiro ama ay wada sheekaystaan, gabdhaha ku jactaday yurub iyo maraykanka inta badan waxay raadiyaan nimanka africa si ay u harowsadaan,  qaar baa iaygoo qaawan soo bandhiga jirkooda siiba paltalk iwm,Tan iyo markii la bilaabay bogoga bulshadu ku kulanto (social media) waxaa sii kordhayey soo bandhigida Dadku ay u soo bandhigayaan afkaartooda aduunka kale si dhib yar sawir ahaan iyo qoraal ahanba.
Arintaas oo keentay faaiidooyin iyo dhibaatooyin farabadan intaba.

Dhaq-dhaqaaqaas bulshadeed somaalidu kama marna oo marka aad ku wareegto bogogaas waxaad ku Arkaysaa waxyaalo indhahaaga yaab galinaya isla markaana su'aal aad u weyn madaxaaga dhex Dhigaya
 Waxaadna arkaysaa gabdho dharkii soo dhigtay ama xiran dhar aan naf lahayn oo sawiradooda ku soo guraya bogogaas.

Marka laga tago in somalidu boqolkiiba boqol ay tahay dad muslim ah hadana waxaa intaas u sii dheeraa Dhaqan aan ogolayn waxyaalaha keenaya anshax xumada iyo doorsoonka waxay caanka ku ahayd bulshada Somaliyeed.

Hadaba waa maxay sababta ugu weyn ee ka danbaysa arintan??.
Baaritaan mudo qaatay oo aan ku waraysanay dhalinyaro rag iyo dumur isugu jira xog ogaalna ku ah arimaha Ka socda bogogan gaar ahaana boga aadka dadku ugu falanyihiin ee facebook waxay noo sheegeen in ay Aaminsanyihiin in ay arintan ka danbayso dhowr qodob oo is biirsaday isugana jira kuwo Bulshadeeed(social) iyo kuwo nafsiyeed(psychological) intaba.

Maadaama aan xooga ku saaraynay baaritaankeena arinta dhabta ah ee ka danbaysa in gabdho ilaahay ku Manaystay qurox ay soo saaraan sawiradooda oo aan wanaagsanayn bogogan waadixa ah, dhamaan Dadkaasi waxay isku raaceeen in ay ugu weyntaay 3 qodob kuwaas oo kala ah:

1. Ku dayasho dad aysan wadaagin dhaqan iyo diintoona ayna la galayaan tartan nafsiyan ah oo ay kula Baratamayaan waxyaalaha ay samaynyaan oo ayaga ula muuqda wax casri iyo reer magaalnimo ku jirto.
Arintaasna waxaa sii bari taaray gabdhaha qurbaha ku koray oo si toos ah saamayn weyn ugu leh kuwa ku Dhaqan gudaha ayagoo u soo tabinaya waxyaalo ay ka soo koobiyeeyeen dadyow kale ayna khasab ku Tahay in ay dabo galaan.

2. Kalsooni daro kalsooniduna waa shay qaali ah mar haday kaa dhuntana waxaa kugu dhacaya khal khal Nafsiyadeed waxaadna isku arkaysaa in aadan wax qiima ah ku fadhin sidaa darteed waxaad ku Kadsoomaysaa in aad qabato waxkasta oo aad is leedahay waa ku abuuri kartaa kalsooni dhankasta marka Laga eegana gabdhaha soo dhiga bogogaas dadweynaha sawiradooda oo waadix ah waxaa ku kalifaya soo Jiidasho ay ku doonayaan in ay soo jiitaan ruux ay ka qabaan kalsooni xumo.

3. Ciyaar iyo madadaalo 30% dadka soo bandhiga ma sawirada xun xuni ma ahan dadkii asal ahaan u lahaa Ee waa dad si kastoy ku helaanba ay gacanta u soo galeen isla markaana si ay uga helaan qosol ama Waxyeelo ceebays aan macno ku dhisnayn ah usoo bandhiga.

Si kataba ha ahaatee mid ka mid ah aqoonyahanka soomaaliyeed ee aqoonta u leh dhanka social media ha Ayaa waxa uu intaas ku darayaa in meesha sartu ka quruntay ay tahay gabdhihii oo aan ka xishoonayn waxa Lagu magacaabo baraaruga hibaatooyinka laga dhaxli karo internetka iyo sidoo kale ayagoo aan helin cid ku Hadlaysa afkooda oo ka wacyi galisa isla markaana wax uga sheegta dhibaatooyinka internetka laga dhaxli karo,
Kuxuuna intaas ku daray in internetku uu yahay badweyn hadaadan fahmina aad ku dhex lumayso khatar Nololeed iyo mid taariikheedna laga dhaxli karo.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post