Safiirka ugu horreeyay maraykanka oo uu geeyo soomaali laga soo bilaabo 1991


Dowladda Mareykanka ayaa muddo 23, sanno kaddib safaarad ka furaneysa Soomaaliya Danjirena u magcaabeysa safaaraddaasi kaddib markii uu xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa qorsheynaya sidii uu u magcaabi lahaa Safiirkiisa cusub ee Soomaaliya iyo in safaaraddii Mareykanka ee Muqdisho dib loo dhiso, si loogu bilaabo shaqooyinkii xoojinayey xiriirka labada dowladood.
Madaxa Arrimaha siyaasadda Mareykanka Wend Sherman ayaa sheegtay in madaxweyne Obama uu damacsan yahay sidii uu u magcaabi lahaa shaqsi ku habboon safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo hadda qorshaha uu yahay in dib loo dhiso muddo dheer kaddib, waxa ay intaa raacisay in muhiimaddu ay tahay sidii loo ballaarin lahaa xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya laga gacan siiyo sidii ay u sii dardargelin lahayd horumarka hadda ka muuqda.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa albaabada loo laabay sannadkii 1991-kii waa waqtigii ay bur-burtay dowladda Military-ga aheyd, hasa yeeshe dowladda Mareykanka ayaa si buuxda u aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post