Sidee loo ilaaliyaa quruxda wejiga faahfaahin buuxda

Quruxda wejiga waxaa sameeya waxyaalaha aad kala kulmi karto jawiga, iyo waxa la xiriira
Maanta waxaan raba inaan ka hadlo dhibatada ka haysta dumarka haaraha kaga dhigma wajiga, kuwaasoo runtii hablo badani isoo waydiin waxa goyn kara, waxan jeclaysatay inaan u yar faahfaahiyo si ay oga faaiidaystaan dumarka oo dhan.
Hadaba haarahan ayaa ah kuwa ku dhaca dumarka aduunyada oo dhan 70% , kuna yimaada xaaladao kala duwan, sida dumarku markay uurka leeyihiin haraahaas oo loo yaqaano (melasma) , ama qofka oo xanuusada, cadceeda oo disha jidhka, iyo qarkale, se maxaa sababa weeye suaasha meesha taala?
Jidhkeenu wuxuu u qaybsamaa laba lakab oo loo yaqaan (Epidermis and Dermis)
Jidhka loo yaqaano (Epidermis) oo ah lakabka ugu sareeya jidhkeena, ayaa waxaa ka hooyseeya unugyo loo yaqaano (melanocyte) unugayadan oo sameeya wax iyagana loo yaqaano (melanin) oo ah unugada jidhka dadka biniaadamka siiya midibka timaha, jidhka iyo indhaha. Unuguyadani waa kuwa la shaqeeya ilaa maskaxda?
Unugayadan oo loo yaqaano (melanin) ayaa aad ugu badan dadka jidhkoodu madawyihiin, halka dadka jidhkeedu cad yihiin ay aad ugu yaryihiin, ama (European people).

Hadaba haraahani waxay ku dhaacaan dumar
ka uurka leh, dumarka aan uur lahayn iyo raga qaar, waxana loo yaqaana Harahan (melasma & the mask of pregnancy) kuwaasoo ka dhasha (melanin) oo ku badata jidhka, ka bacdina, cad ceedu dhibato soo gaadhsiiso jiidhka. Duamrka uurka leh way ka tagaan harahani markay umulan ka bacdi hadii anay wax khaldan marsan!
Dumarku markay uurka leeyihiin waa dadka ugu badan ee ay ku dhacaan haarahani, waayo dhiigeedu wuu ka badan yahay ka dadka caadiga ah, (hormones) kooduna wuu Is badalayaa, markaa jidhkooda hadii anay ilaalin dhibato way soo gaadhaysaa wajigooda. Jidhkan markay cadceedi ku dhacdo runtii way sii badisaa waxa loo yaqaano (melanin) dhibatina way gadhsiisaa. Markaa waxaa muhiima ah in gabadhu wax cadceeda ka ilaaliya ay marsato, aadna u ilaaliso wajigeeda?.
Sidee looga hor tagi karaa hadaba?
Dumarku markay uurka leeyihiin, had iyo jeer waxay arkaa marka hore casaan yar yar oo ku soo dhigma wajiga dhinacyadiisa sare kaasoo loo yaqaano (melasma), casaanka yar yar ayaa ah markay haaruhu soo bilaabmayaan, runtiina waxaa sababaya markay is badalaan (hormones) ka qofku .
Haaraha ku dhaca dumarka caadiga ah waxay ka dhashaan caafimadarada, ama waxaa loo yaqaano (stress), iyo qaar ku dhaca da?da aadka u wayn markay dumarku gaadhaan. Haarahan ayaa ku tagi kara uun, creams- u gaara ama qalab casriya oo loogu tala galay in lagu baabiiyo oo loo yaqaano (micordermabrasion), qalabkan ayaa jeermiska galay jidhka ka saara, inta ka bacdi qofku jidh cusub oo cafimad qaba ayuu yeesha, haruhuna way tagaan.
Hadaba walalao qofkasta oo haraha dhibato ka haysato waxan kula talin lahaa inaanu wax kasta iska marin, waxad arkaysaa dad odhanaya dhawr qof baa igula taliyay creams-kan somalidu iska marsato ee qaar halisa yihiin, waxad ogaataan haarahani maaha jidhkan dushiisa uun ee hoostay ka soo bilaabeen waxana baabiin kara uun wax logu tala galay ama jidhkaasoo qof yaqanaa wax u gaara ku sameeyo qofkaas oo isticmaalaya qalabkii loogu tala galay
Waxa qabaa in la ilaalin karo oo laga hortagi kari, hadii qof uu sameeyo waxyabaha ka ilaalinaya oo dhan waxan ka mida:
1. Cuntooyin ay ku jiraan (Vitamin C & E)
2. Khudrada oo la badsado
3. Wajiga oo saliida badan ee ka soo baxaysa markay (hormones) ku is badalan la ilaaliyo oo had iyo jeer la nadiifiyo, qofkii awoodaa inuu isticmaalo (facial scrubs & facial Cleanser) kuwana dila jeermiska ku dhasha jidhka….
4. Creams-ka loo yaqaaan (sun cream) oo qof ku markasta ka marsado cad ceeda
5. Liindhanaan oo meelaha casaanka sameeya la mariyo malintii laba jeer

NB: Waxaan idinla socod siinayaa gar ahaan hablaha ila soo xidhiidha ee wadankii Jooga in Axadaha aan soo dhigi doono hadhwanaag maqaaal u g
aara quruxda dabeeciga ah ee dumarka, iyo anigoo soo gudbin doona wax yaabo badan oo wajiga qurxiya runtiina dabiica ah InshaAllaah
Allaa Mahahd Leh
Amina Mohamed
Holistic Therapist and Skin Specialist
Tipstechniquesskin@hotmil.com

http://www.caafimaadka.com/?p=1291
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post