Ninkii naagta iska dhigay oo la baxay Sumaya dalmar

Sumaya dalmar
Waxaa la yaab badan in laga dhex helo bulshada Soomaaliyeed nin oo naag iska dhigay, dadka Soomaali waxay ahaayeen dad ku nool wadankooda oo diintooda haysta laakin marka ay soo galeen wadamada reer galbeedka waxaa laga gaaray dantii laga lahaa, maalmahan la soo dhaafay waxaa lagu dilay dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto nin isu rogay naag oo qaliin isku sameeyay wuxuu ahaa nin khaniis ah toos ayuu isaga dhigay naag naaso ayaa loo sameeyay, marka dood ayaa ka dhacday sidii loogu tukan lahaa, iyo sida loo dhaqi lahaa, run ahaantii nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu diiday inuu ku tukado nin is dilay sidoo kale nin dhintay isagoo deyn lagu leeyahay, sida axaadiista ku soo aroortay, culimada waxay ku tilmaameen arrintaan in laga wado canaan si dadka ay isaga ilaaliyaan arrimahaas oo kale, marka ninka noocan ah oo naag iska dhigay ma ahayn in lagu tukado waayo wuxuu ka xag jiraa qofka dhintay isagoo deyn lagu lee yahay sidoo kale si dadka ay ugu waano qaataan


daawo videoga


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post