Shirkad Roomaaniya ku taallo oo ka shaqaysa iibinta alaabta xagga internedka ayaa waxay ka dhigtay Maamulaheeda guud mukulaal, waxaa laga doortay mukulaalkan 700 qof oo isu soo sharaxday maamulanimada shirkadda, shirkadda oo la dhaho CAT BOX waxay iibisaa alaabta laysu hadiyeeyo, waxaa lala yaaban yahay inay ka dhigtay maamule xaywaan oo aan waxba ogayn mushaarka ay u qortayna bishii waa 200 yuuro mukulaalkan da'diisu waa 9 bilood keliya, lacagta uu qaato rubuceeda isaga ayaa cunto loogu soo iibinayaa wixii soo harana waxaa la siinayaa ninka iska leh