Dhakhtarad Maraykan ah soo islaantay eeg sababta

Waxay leedahay dhakhtarad u dhalatay dalka Maraykanka waxaa ii timid naag muslimad ah oo ninkeeda la socdo si ay ugu dhasho isbitaalka aan ka shaqaynayay naagta way foolanaysay, anigana waxaa la gaaray waqtigii aan shaqada ka bixi lahaa waxaan u sheegay inaan bixi rabo oo uu imaanayo nin dhakhtar ah oo i badalayo naagtii aad bay u qaylisay iyadoo foolanayso, ninkeeda ayaa wuxuu igu yiri xaaskayga ma rabto inuu nin jirkeeda arko sidaas ayay u qaylinaysaa, waxay rabtaa adiga inaad la joogto markaas ayaan oggolaaday inaan aniga dhaliisiyo anoo la yaaban iyadoo xanuunkan hayo oo aan rabin inuu nin jirkeeda arko, markay dhashay oo maalin ka soo wareegatay ayaan u tagay waxaan u sheegay inaysan galmo samaynin 40 maalmood gudahooda waayo jirrooyin ayay keenaysaa galmada dhalmada kaddib la sameeyo sidoo kale waxaan ku dhahay : nafaqo cun maalmahaan si aad u soo kabsato, waxay ii sheegtay in diinta islaamka ay reebtay galmada dhalmada kaddib ilaa naagta uu dhiigga ka dhamaado, sidoo kale lagama rabo naagta ummusha inay tukato ama soonto, aad baan ula yaabay hadalkeeda halkee ay ka soo baratay aqoontan oo gadaal laga ogaaday waxaan u tagay mar kale waxaan u sheegay inay cunugga dhinaca midig u seexiso si dhaqdhaqaaqa wadnaha u nidaamsamo ninkeeda ayaa wuxuu igu yiri diinteena ayaa na farayso in dhinaca midig loo seexdo, waxaan go'aan ku gaaray inaan bil fasax ka qaato shaqada  aanna  akhriyo diintan oo waxyaabo kasta ka hadlayso, markaan baaray wax badan waxaan ogaaday inay xagga Alle ka timid diinta islaamka ayna xaq tahay waxaan qiray shahaadada islaamka in Alle mid yahay Nabi Muxamedna rasuulkiisu yahay.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post