Guurka dadkii hore iyo kan hadda maxaa u dhexeeya

Dadkii hore dhaqankooda wuxuu ahaa dhaqan ka duwan kan hadda aannu ku dhaqmayno, marka ninka gabar lagu dari rabo aabbaha ama hooyada ayaa waxay tagi jireen gabadha lagu dari rabo ciddooda waxay ka codsanayaan ciddaas gabadhooda in loo guuriyo wiilkooda, haddii cidda ay oggolaadaan waxay u imaanayaan wiilkooda waxay u sheegayaan in gabar hebel ay xaas u noqon doonto, wiilkii isna war kuma celinayo labada waalid, wuxuu dhahaa waan oggolahay waxaa la qabanqaabinayaa xafladdii arooska, kaddib gabadhii ayaa loo soo guurinayaa aqalkeeda cusub, laakin hadda waxaad arkaysaa wiilka ayaa raadinaya gabadha uu rabo shukaansi wax la dhaho ayuu la galayaa inkastoo shukaansiga dadba si ay u arkaan, gabadhii ayuu la sheekaysanayaa, waxaa laga yaabaa inay ka sheekaystaan hadalo xasaas ah oo ku saabsan galmada wuxuu waraysanayaan qaabka ay u gudan tahay fircooni iyo sunni hoosteeda sida ay tahay waxa ay ka hesho wuuxuu ugu sheekaynayaa jirkiisa waxa uu ka helo waxaa dhici karto taleefanka inuu ugu raaxeeyo inta badan marka uu shukaansiga noocan ah wiilka naagta la galo wax yar kaddib wuu nacayaa shaki ayaa ku aboormaya wuxuu is oranayaa gabadhan haddii adiga sidan ay kuugu sheekaysay sow lagama yaabo nin kalena inay sidaas iyo si ka daran ugu sheekayso shakiga marka uu kordho wuxuuba bilaabayaa inuu gabadhii ka dheeraado mid kale ka fiican inuu raadiyo iyadana waxay ugu sheekaysay jirkeeda xitaa waxaa laga yaabaa waxyaalo kale inay u oggolaatay, sida taabashada oo kale inuu jirkeeda taabto inta badan been bay isku cabaan dadka is shukaansada way yar tahay dad daacad ah oo xumaanta ka fogaanaya, gabar kasta waxaa laga rabaa inay caqligeeda dib u soo boraarujiso iskana ilaaliso nimanka beenta badan sharafteeda iyo diinteeda ayaa uga muhimsan jacaylka ay sheegayso ninka marka uu kuu raaxayn karo waa marka uu ku guursado keliy, sidoo kale waxaa yaab badan gabdhaha soomaaliyeed inta aan la guursanin aad bay u rabaan inay jacaylka jilaan laakin marka ay guriga guurka  soo galaan waxay isu baddalaan dad nooc kale ah jacaylkii ay sheeganaysay waa ka buubayaaba
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post