Habaarka hooyada Zamakhshari ayuu lugta ka jaray qiso gaaban

Ibnu Cimaad wuxuu leeyahay waxaan ka arkay dadka dambe qaarkooda taariikhdooda in Zamakhshari  markuu galay Baghdaad oo uu la kulmay Faqiiha xanafiga ahaa Addaamaghani ayaa wuxuu wayddiiyay waxa lugta ka gooyay wuxuu yiri Zamakhshari : habaarka hooyada, waxaan soo qabtay markaan yaraa shinbir lugta ayaan dun ugu xiray waa iga fakaday, waxaan arkay asoo meel boq iga galay, duntii ayaan ku soo jiiday markaas lugta ayaa ka go'day, hooyadayda waxay igu tiri : "sidii lugta aad uga gooysay Ilaahay ha kaaga gooyo", markaan soo gaaray da'da waxbarashada waxaan u safray magaalada Bukhaara si aan cilmi u soo barto waxaan ka dhacay gaadiidka lugta ayaa iga jabtay kaddib wax baan ku sameeyay oo keenay gadaal dambe in la iga gooyo.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post