Furiinka sidee la isaga ilaaliyaa qiso cibro leh

Nin iyo xaaskiisa aad bay isugu fiicnaayeen maalin maalmaha ka mid ah ayuu ka soo laabtay shaqada markuu guriga yimid xaaskiisa buuq ayay ku furtay dagaal ayaa dhexmaray furriin ayay dalbatay marka ay dalaaqa dalbatay kama waalilin warqad ayuu soo bixiyay wuxuu ku qoray : "waxaan qirayaa anoo maskaxdayda juusto tahay ayaan go'aansaday inaan ku haysanayo waligayga naag kalena ma doonayo" warqaddii isgoon tusin ayuu bakhshad geliyay markaas ayuu iyada siiyay isagoo xanaaqsan ayuu aqalka ka sii baxay, naagtii aad ayay u cabsatay aadna way u jahwareertay, dhoor saac kaddib ninkii ayaa guriga u soo laabtay qolkiisa ayuu galay isagoon la hadlin, naagtiisa ayaa qolkiisa soo gashay iyadoo shallaynaysa oo si tiiraanyo leh u hadlayso, oo leh sheekh weydii furriinka xukunkiisa, ninkeeda ayaa ugu jawaabay shallaytada ma run bay kaa tahay? waxay tiri haa,  qalad weyn baan kaa galay ma rabin inay waxaan dhacaan wuxuu ku yiri:  warqadda fur eeg maxaa ku qoran,  naagtii warqadda ayay furtay waxay akhrisay wixii ku qornaa markaas ayay ooysay iyadoo ninkeeda ka xishoonaysa oo aan si toos u fiirin karin wuxuu ku yiri "mushkiladaha dalaaq laguma xalliyo  jacayl iyo naxariis baa lagu xalliyaa".
   waxaa la dhahaa : "haweeneydu waa sida sabuunta oo kale taabashadeeda waa jileec wayna carfaysaa laakin haddii aad majuujiso way kaa fakanaysaa haddii aad ku joogsatana waad ku sinbiriiraxanaysaa.





Post a Comment (0)
Previous Post Next Post