Yaad u hiilinaysaa hooyada iyo xaaska

Waxaan aragnaa marmar waxyaalo dhib badan oo nolosheena soo waajaha taas oo ah arrin aad caan u ah hooyaada ayaa laga yaabaa inay ku dhahdo xaaskaaga iska fartan waa duco fartanna waa habaar mid dooro, dhibkan sideen uga bixi karnaa annagoo aan dulminin qof, marka hore waxaa lagaaga baahan yahay inaad fiiriso mushkilada meesha ka jiro hooyadaadu maxay ku nacday gabadhan xaaskaaga ah markii aad guurka ku cusbayd miyay isku ficnaayeen, su'aalahan oo dhan ayaa loo baahan yahay in lays weyddiiyo, teeda kale xaaskaaga dhaqankeeda waa sidee ? ma labo weji ayay ku dhaqmaysaa? markay ku aragto way kuu caabadaysaa waxaa laga yaabaa hooyadaada inay hadallo ku durto marka aad ka maqan tahay. waxaa kaloo laga yaabaa inay jirto qiiro ama masayr intaadan ku degdegin waxaa lagaaga baahan yahay inaad si caqli leh aad ueegto dhibaata ka dhexaysa xaaskaaga iyo hooyo, marka inaad ka hor timaado ma aha hooyadaada mana aha inaad xaaskaaga dulmiso, haddii arrinta si fiican aad ugu kuura gasho waxaad ogaanaysaa qofka gardarran, markaas waxaad qaadan kartaa mowqif fiican, haddii xaaskaaga ay gardaran tahay arrintu wayba sahlan tahay laakinse haddii hooyo ay gardaran tahay maxaad samaynaysaa oo xaaskaagana ay kuu toosan tahay, waxaad isku dayaysaa inaad hooyadaada si fiican u waanisid oo aad u sheegtid in dulmigu yahay mugdiyo maalinta qiyaame haddii aad si fiican u qanciso way qaadanaysaa warkaaga laakin waxaa lagaaga baahan yahay keliya adkaysi
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post