Astaamaha lagu garto wadeyga fiican Sincere friendship

Friendship saxiib
Qof kasta dunida ku nool wuxuu la kulmaa wax san iyo wax xunba, waa qaabka aduunka loogu talaggalay,  sidaadaba waxaad la noolaanaysaa dad aad isla wadaagtaan waxbarasho ama shaqo ama wax kale, waxaad yeelanaysaa dad badan saaxiibo ah, marka sideed ku fahmi kartaa qofka saaxiibka dhabta ah, haddaba waxaa jira astaamo lagu garan karo saaxiibka daacadka ah kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa soo socda :

  1. Been kuuma sheegayo wadeyga dhabta ah
  2. Gadaashaada kama hadlo
  3. Sirtaada ma gudbiyo
  4. Dhibkaaga kuma farxo
  5. Haddaad wax uga baahato waa ku garab istaagaa
  6. Markaad faraxsan tahay waa kula farxaa
  7. Haddaad xanaaqsan tahay wuxuu isku dayaa inuu ku dejiyo
  8. Haddaad faraxsan tahayna waa kula farxaa
  9. Adoo maqan haddii wax lagaa sheego wuu ku difaacaa

Astaamahan ayaa ugu muhimsan, run ahaantii samankan aad buu u yaryahay qof saaxiib fiican noqon kara, ragga badankooda daacad ma aha, waxay la saaxiibaan keliya qof wax ay ka heli karaan, ee saaxiibtinnimada daacadda ahayd way dhamaatay.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post