Gashaanti iyo garoob maxaa u dhexeeya Social reviews

Gabar iyo garoob raaxada
Gabarta iyo garoobta
Dhaqanka naagta marka ay ninkeeda la joogto waa muhim, jacaylka laftiisa wuxuu ku dhisan yahay dhaqan wanaagga naagta, haddaba marka uu rabo ninka inuu haweeney guursado middee buu ka heli karaa dhaqanka wanaagsan, ma gabadhaa mase garoobta? runtii marka laysku barbardhigo labadooda midba meel ayay ku fiican tahay 

Gabadha maxay ku fiican tahay?

Gabadha waxay ku fiican tahay waxyaalo badan waxaa ka mid ah :-

  • Waxay ku qancaysaa wixii aad barto, laakin garoobta kuma qancayso wixii aad siinayso, haddii uu kaa horreeyay nin wax badan bixin jiray dhan walba
  • Nin hore kuuma soo qaadayso hadlkiisa waayo adigaa ugu horreeyay, garoobta haddii aad wax yar is dagaashaan waxay ku leedahay ninkaygii hore ayaa kaa fiican
Garoobta maxay ku fiican tahay?

Xagga galmada way kula wadi kartaa, kaama xishoonayso, laakin gabadha aad bay kaaga xishoonaysaa ilaa muddo
Gurigeeda way ku dadaalaysaa waxayna ka ilaalinaysaa inuu dumo, laakin gabadha maskaxda ayay ka xadi karaan naagaha kale, waa lagu diri karaa ninkeeda haddii been loo sheego
Adoon u sheegi ayay fahmaysaa waxa aad uga baahan tahay garoobta xagga galmada iyo raaxada, laakin gabadha waa inaad ka dalbataa waxa aad ka rabto, xitaa haddii ay rabto way kaala xishoonaysaa

Laakin waxaan kula talinaynaa inaad guursato haddii aad ku cusub tahay guurka gabar waayo adigaa bari kara raaxada iyo dhaqanka toosan.

1 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post