Sinada xadka waajibisa waa sidee xagga sharciga islaamka


Aad yaa la noo soo weyddiinayaa zinada waa maxay qoraalkan ayaa kaaga jawaabaya su'aashaada ee si fiican u akhri hadalkan meeshan ku qoran.
sinada ayaa labo nooc ah mid waa sinada xadka qofka u keenta waana  danbi weyn, taas waa ninka marka uu bahalkiisa madaxiisa geliyo farjiga naagta xitaa yuuna biyabbixin hal mar keliya hadduu bahalka madaxiisa geliyo ayaa ku filan, waa sino rasmi ah oo dambi weyn ah oo sharciga qofkaas xad saaraya korkiisa , haddii uu horay u guursaday waa in dhagax lagu dilaa markii loo helo afar markhaati oo wata shuruudaha laga rabay ama haddii isaga qirto inuu naag ka sinaystay taasna waxay u baahan tahay in si fiican in loo hubsado inuu waalan yahay iyo in kale, haddii uu yahay qof aan guursanin waxaa ku waajibaya boqol jeedal in lagu dhufto sida ay suuratu annuur ay sheegtay, laakin haddii qofka naagta istiin ku sameeyo uu naasaha ka qabto ama  bahalka ay u qabto ay sidaa ku raaxaystaan sina waa lagu magacaabaa sida xadiiska Bukhaari wariyay ku soo aroortay oo aah : (isha way sinaysataa sinadeedana waa fiirinta, gacanta way sinaysataa sinadeedadna waa qabasho, lugta way sinaysataa sinadeedana waa inay sinada u socoto, farjiga ayaa dhabeeya ama beeniya) xadiiska sinada ayuu ku tilmaamay waxyaalaha xubnaha caadiga ay qabtaan haddii naagta loogu raaxeeyo , laakin sinada oo xadka ku waajiba ma aha oo dambiga weyn, qofkii ay ka dhacaan haddii naag uu istiimiyo waa inuu towbad keenaa oo uu ka fogaadaa waayo waxay u keeni kartaa sinada rasmiga ah, Alle - subxaanahu wa tacaalaa - marka uu sinada reebayay wuxuu yiri - "Sinada ha u dhiwaanina waayo waa faaxisho jidkeedana waa jid xun" mar waxaa dhacday nin ayaa wuxuu gadayay timir waxaa u timid naag aad u qurux badan ninkii wuu ka helay naagta quruxdeeda wuxuu ku yiri : gudaha soo gal timir fiican ayaa ku jirta naagtii marka ay soo gashay ninkii wuxuu ku bilaabay inuu naagta wax kaste ku sameeyo waxaan ahayn galmo ninkii marka uu falkaas xun naagta ku sameeyay wuu naxay markaas ayuu soo cararay wuxuu u yimid Cumar bin- Ilaahay raalli haka noqdee- khaddaab  arinta ayuu u sheegay Cumar wuxuu ku yiri maad naftaada asturtid oo Ilaahay denbidhaaf weyddiisatid, haddana Abuubakr - Ilaahay raalli haka noqdee-ayuu u tagay isla sidaas ayuu ku yiri salaadda casir ayaa la gaaray ninkii masjidka nabiga -naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee-  ayuu ku tukaday marka salaadda dhamaatay ayuu nabiga u tagay wuxuu u sheegay inuu naag soo faraxumeeyay laakin uuna ka sinaysanin Nabiga -naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- markaas waxaa ku soo degay aayado quraan ah oo tilmaamaya salaadaha iyo camalka fiican inuu tirtiro dembiga yar,  ninkii ayuu u yeeray wuu ku akhriyay aayadaha markaas ayaa ninkii yiri keliyagayga miyay igu gaar tahay, Nabiga -naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku yiri maya umaddayda oo dhan.
  marka sinada oo rasmiga ah  waa inuu ninka naagta bahalkiisa madaxiisa farjiga u geliyo shardina ma aha inuu biyabbaxo , taabashada ama istiinka sinada xadka keenta ma aha laakin jidka sinada ayay kuu furaysaa qofkii naag xaaraan ka ah istiimiya kama foga inuu farjigiisa farjigeeda galiyo  nabadgalyadaada waxay ku jirtaa inaad ka fogaato naag xaaraan kaa ah taabashadeeda.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post