Dhexdhexaadnimada la dhaqanka dadka

Shareecada islaamku waxa ay la timid hab dhamaystiran iyo manhaj kulansanaya  waxaas oo dhan. Islaamku kama tagin nolosha qayb ka mid ah balse wuu ilaaliyay oo daryeelay, wuxuu habeeyay xidhiidhka qofka iyo ilaahay ka dhexeeya, xidhiidhka qofka laftiisa iyo reerkiisa ka dhexeeya iyo xidhiidhka qofka iyo dadka kale ee ku wareegsan ka dhexeeya. Waxaanu islaamku u dedaalay sidii uu u dhabayn lahaa is jacaylka iyo walaaltinimada bulshada dhexdeeda, waxaanu hufay isku xidhkii is-dareen iyo naxariistii ka dhaxaysay, waxaanu islaamku xoojiyay xadhkihii isku xidhnaanta iyo isjacaylka muslimiinta dhexdooda. Si looga dhabeeyo wanaagga ummadda, isla markaana wanaagga iyo wax hagaajintu ay ugu dhamaystirnaato qaybaha nolosha iyo bulshada, waxaanu islaamku dad la dhaqanka ka dhigay dhexdhexaad ka fog xadgudub iyo ka gaabin labadaba, taasna waxa tusaale u ah:
Dhexdhexaadnimada meherka Dumarka:
Waxa laynoo diiday ku xadgudubka meherka si guurku u fududaado, taasi se way ka maqan tahay wakhtigan aynu joogno iyada oo la sharfaayo qofka, inyar oo dadka ilaahay u naxariistay mooyaane.
Waana waxa keenaaya in guurku daaho oo wiilasho awoodi waayaan isla markaana ay badnaato guumawga "Inantii oo la guursan waayo" wax kale ba iska daayoo xitaa waa waxa keena in xumaantu ku faafto dhallinyarada dhexdeeda isla markaana soo baxaan noocya guur oo cusub sida: Qudbe sirre iyo la tegista, dhamaan waxaas oo dhanna waxa u sabab ah iyada oo laga fogaaday dariiqii rasuulka (N.N.K.H) halka ay dhexdhexaadnimada looga baahan yahay wax kaste. Rasuulkuna waa kii lahaa:
(Gabadha ugu barakada badani waa gabadha ugu meherka fudud) (1)
Ku xadgudbid iyo ka gaabin midna lama ogola.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post