Tusaalaha oo ka muuqanaya dhexdhexaadnimada ee noloshii Nebigeena scw

Anas Binu-Maalik (ilaahay haka raali ahaadee) waxa laga soo weriyey in uu yidhi: (Saddex kooxood ayaa yimi gurigii nebiga 'N.N.K.H' iyaga oo waydiinaya cibaadada nebiga sida ay tahay, markii looga waramay iyaga oo aad moodo in ay yaraysanayaan ayay yidhaahdeen: "Inagu xaggee nebiga kaga dhacaynaa 'intee u jirnaa'?" Isaga oo denbigiisii hore iyo kiisa danbe ba la dhaafay. Mid ka mid ah ayaa yidhi: " Anigu habeenkii ayaan tukanayaa weligayba" kii labaad ayaa yidhi: " Anigu na sanadka oo dhan ayaan soomayaa maalina ma afuraayo" kii u danbeeyay baa yidhi: " Anigu dumarka ayaan ka dheeraanayaa, weligayna guursan maayo" Rasuulka ayaa u yimi oo ku yiri:
(Sow kuwii sidaa iyo sidaa yidhi ma tihidin, Ilaahay baan ku dhaartee aniga ayaa ilaahay idiinku wayneyn badan, idiinkuna cabsi badan, balse waan soomaa waanna afuraa, waan tukadaa waanna seexdaa, dumarkana waan guursadaa, qofkii sunnadayda diidaa aniga iga mid ma aha)(1)
Xadiiska waxa ku jira;
fadlibadnaan:  "Aniga ayaa ilaahay idiinku wayneyn badan, idiinkuna cabsi badan"
Dhexdhexaadnimo: "waan soomaa waanan afuraa "
Toosnaan: " Qofkii sunnadayda diidaa aniga iga mid ma aha "
Fududayn iyo cidhiidhi ka saaris:"Guursiga nebigu dumarka guursanayo, hurdadiisa iyo afuraadiisaba"
Xikmad: "In wax kaste meeshiisa la dhigo iyo in la joogteeyo wixii wanaagsan. Haddii ay kuwaasi isku waajibin lahaayeen waxaas ay yidhaahdeen way daali lahaayeen waanay joojin lahaayeen oo way kala go'yn lahaayeen.
Caddaalad: "Iyada oo la eeggayo doonista nafta iyo waajibaadka cibaadada oo loola jeedo xaqa ilaahay kugu leeyahay iyo xaqa naftaadu kugu leedahay"
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post