Xildhibaan jarmal oo xagjir ahaa ayaa soo islaamay

Nin ku jira baarlamaanka jarmalka oo xagjir ahaa ayaa soo islaamay ninkan wuxuu jiraa 75 sano waxaa la sheegay ninkan markuu soo islaamay wuxuu bilabay inuu wax u qabto dadka qoxootiga ku nool dalkaas, waa nin nasiib leh da'da uu ku soo islaamay waa da' weyn hanuunka Ilaah ayaa isla leh.
Wuxuu sheegay waxa ku kallifay inuu islaamo wuxuu akhriyay tarjamada quraanka kariimka ee afka jarmalka, wuxuu u arkay inuu yahay islaamka diinta saxa ah oo ugu kaalmayn karta nolol fiican, ninka marka uu islaamay naagtiisa iyo ilmihiisa ayaa gooyay way ka tageen, wuxuu gurigiisa ku soo dhoweeyay dad qoxooti ah oo ka yimid suuriya iyo liibya, wuxuu sheegay inay noqdeen dadkaas sida familkiisa oo kale.
Xildhibaan jarmal oo xagjir aha ayaa soo islaamay
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post