Aqoon Isweydaarsi looga hadlay habka looga hortagi karo Gudniinka Fircooniga ah




Waxaan maanta Aqoon isweydaarsi lagu baranayo dhibaatooyinka ka dhasha Gudniinka fircooniga (FGM) iyo sida looga hortagi karo lagu qabtay qabtay Xarunta Wakaalada biyaha ee Magaalada Garoowe NUWACO, aqoon isweydaarisgan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada Tadamuu, waxaana fulinayey Ururka SYSA.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxaa uu socon doonaa mudo hal maalina kaas oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada  gaar ahaan xubno laga soo xulay Ururada Bulshada si ay uga wacyi galiyaan Bulshada qeybeheeda kala duwan.

Maxamed C/qaadir Faarax oo ah Masuul ka socday Hay’adda Tadaamun ayaa waxaa uu ka warbixiyey waxyaalaha  waxqabadka Hay’adda Tadamun isaga oo sheegay in ay Hay’addu gacanta ku haysto Iskoolaad wax lagu barto oo ku yaala deegaanada Puntland iyo wacyagalin kor loogu qaado aqoonta.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxaa bixinayey  Cabdi Ibraahim Xasan oo ka socda Ururka SYSA, kaas oo ku dheeraaday in bulshada laga waacyi galiyo Gudniinka Fircooniga (FGM) kaas oo dhibato ku haya Haweenka, isaga oo sheegay in diinta Islaamka aysan meelna kaga jirin in qofka dumarka ah dhaawac loo geysto uuna yahay mid ka baxsan diinta islaamka.Deegaamada Puntland ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday wacyi galin ballaaran oo looga soo horjeedo gudniinka fircooniga ah oo ay maalgaliyaan hay’adaha samafalka ee ka hawlgala Puntland iyo Ururo kala duwan.
Xuquqda sawirada puntlandpost.com
allcasayr.com

1 Comments

  1. Anonymous11/21/2010

    gudniinka fircooniga waa dhib weyn waa in la joojiyaa
    waxaa la rabaa wax yar in laga jaro gabdha

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post